Madaxweyne Muuse Biixi Oo Shaqada Ka Eriyey 109 Qof Oo Shaqaale Ka Ahaa Wasaarada Madaxtooyada Somaliland + [ Sababta ]

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ 109 qof oo ka mid ah shaqaalaha Madaxtooyada ayaa lagu wargeliyay in
aanay dib madaxtooyada uga shaqayn doonin, islamarkaana ay muddo laba bilood ah fadhiga ku qaadan doonan mushahar intaas kadibna ay sidaas kaga baxayaan shaqada dawladda. 14 ka mid ah shaqaalaha ayaa la sheegay in ay yihiin bedel meelo kale loo diray.

IMG_C7BB0A-974BBF-AAD2E4-4E79BF-78534D-B27318

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo Madaxtooyadu ka soo saartay arrintan balse warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in aan shaqaalaha loo sharraxin sababaha keenay in shaqada laga eryo. Nidaamka cusub ee Madaxweyne Muuse ayaa u muuqda in uu soo xero gelinayo dad la soo shaqeeyay intii uu kursiga halkan ugu jiray.
Wararka ayaa intaas ku daraya in maanta shaqadii laga joojiyey shaqaale tiradoodu gaadhayso 14 qof kuwaas oo lagu war geliyey inaanay dib uga hawl gali doonin madaxtooyada somaliland, waxaana galinka dambe ee maanta la soo saarayaa shaqaale kale oo tiradoodu gaadhayso 95 qof, kuwaas oo iyagana hore loogu war geliyey inaan loo baahnayn inay ka hawl galaan madaxtooyada somaliland.
Talaabada madaxweyne Muuse Biixi uu shaqada kaga joojinayo shaqaalaha tirada badan ee ka hawl galayey madaxtooyada somaliland ayaa u muuqata mid jagooyin loogu banaynayo dad si weyn u taabacsanaa madaxweyne Muuse Biixi wakhtigii uu murashaxa ahaa, kuwaas oo ilaa hada dibada ka jooga madaxtooyada.