MAAMUUS LA’AANTA MUWAADİNKA İYO MİLGO U SAMAYNTA SHİSHEEYAHA

FB_IMG_1515712408743

Waxaan ku sugnaa Magaalada Hargeysa Amintu hada Waa 4:46 daqiiqo waxa dhacay Eedaankii labaad ee Salaada Subax , waxaan u jihaystay Dhanka Masaajidka Cali Mataan oo Hotelka aan Degnahay Koonfur ka Xiga qiyaastii 15 Daqiiqo ka dib waa la aqiimay Saladiina waa la galay , Salaadii Markii aan ka soo baxay. ayaan u dhaqaaqay dhanka Maqaaxida Damal oo aan ka quraacday , kadib waxaan ku noqday Albeerkadii (Hotel) aan Deganaa waxaanan isu diyaariyay in aan u kaco dhanka Wasaarad aan Hawl u lahaa , Gaadhigiibaan İstaadhay waxaanan sidaa ugu Ambabaxay Dhankaas iyo Wasaaradii aan Muraadka ka lahaa .

Amintu hada waa 7:23 Daqiiqo ilaa Hadana wax shaqo ahi kama socdaan Wasaarada , İnyar kadib Shaqaaluhu Midh Midh iyo Labo labo ayay u soo galeen Hadaba Saacadu markay ahayd 8:50. daqiiqo Waxa Gaydhka Birta Hore laga Qaaday Gaadhi Madow oo Noociisu yahay V8 Muraayadihiisu ay Wada Dalacan yihiin , waanu soo galay waxaana ka soo Degay Nin Dhalaalaya oo Xidhan Suudh Kaaki ah oo uu Bar Bar socdo nin Askari ahi isweydiin kadib mise Waaba Wasiirkii , si guud noo salaan waxa uu toos u Galay Xafiiskiisii , waxaana kadaba Galay Hooyo Waayeela oo Dani kaga Xidhnayd wax Sadex Daqiiqo ka yar kadib way ka soo baxday. İyadoo aan la qancin , waxaana u galay Aniga Oo ahaa Shakhsigii ugu soo Horeeyay ee yimaada Xarunta İlaah Amarkiis ii Si sidii la mida hadlka ii dedeji oo İla Balan 11 Duhurnimo .

Kadib waxaan ka soo baxay irida Xafiiska waxaanan u jihaystay Dhankii Gaadhigayga , waxaana mar Qudha Xarunta Soo Galay Raxan Gadiida oo ay Saaran yihiin Dad Ajaaniba waxaana si deg dega Banaanka Xafiiska ugu soo baxay Wasiirkii waxaanu si Habsami leh u soo dhaweeyay Waftigii waxaanay galeen gudaha Xafiiskiisa, Hadaba kaaga sii darane Dadkan uu ka soo Hor Boodayaa waa Dad aan Macno Badan u samaynayn Dalka oo isugu Jira ENGO Macaash Doona , Basaasiin , Dalxiisayaal , Qalin jebiyaal Shisheeye oo Buugaag Qoraya isuna Eekaysiinaya Dad Wadanka wax u soo Kordhinaya aad baa loo Gucleeyay Agaasimeyaal , Shaqaalihii Wasarada oo Dhan isla Halkaana waxa ka bilaabmay shir iyadoo Xiliga ay dadkaasi galayeen ay Banaanka Tunaayeen Dad soo kalahay Salaadihii hore ee iyadoo Dhaxan Darani dhacayso , isuguna Jira Waayeel , Haween , Dhalinyaro , Culimo , Cuqaal iyo Odayaal

Goor sheegtu İminka waa 11: 12 Daqiiqo halkaana waxaa Taagan Dadkii aan Saaka kaga tegey meesha oo weli sugaya Wasiirka , waan ku biiray oo ana Wasiir Suge ayaan dib u noqday , Sugitaan Badan kadib imika waa 12:30 Duhurnimo shirkiina wuu soo dhamaaday waxaana kadinka ka soo baxay Waftigii iyo Wasiirkii oo sidii si lamida isaga iyo Shaqaaluhuba ay wada Hor Guclaynayaan Wafti ku sheegii sidaana waxa ku dhamaatay shaqadii iyadoo Muwaadinkii İlaa iyo Maanta Fadhiyayna aan waxba loo qaban .

Hadaba Dulucda Qoraalkaygani waxa weeye in hadii isla Xisaabtan uu jiro aanay Wasaaradu Cidlo ahaateen Waqtiga aan kor ku sheegay sidana aan loo Bahdilin Muwaadiniinta lana Maamuusin Shisheeyaha sida Ku cad Ciwaanka Sheekada , Sidoo kale ay Cadayn u tahay in Madaxda Dawladu ay Bahdilmeen oo ay Fadhiga uga Kacayaan Wiil Shisheeye oo Dhalinayaro ah isagoo Bahdilaya Dhigiisii Dhalinyarada Muwaadinka ah ahaa oo ay ahayd in uu hor Gucleeyo isaga iyo shaqaalububa waana Nooc kamida Gumaysiyada Shisheeyuhu ay Madaxdeena kula kacaan

Aragtidaadu waa muhiim .

Qalinkii : JAALE GUULEED CAATO