Warbixin Isbedel lagu sameynayo barta bulshadu ku xidhiidho ee Facebook oo lagu dhawaaqay..12.01.18

Maamulka shirkadda Facebook ayaa ku dhawaaqday waxay ku sheegtay inuu yahay isbaddel weyn oo diiradda lagu saarayo dib u soo celinta sida ugu wanaagsan ee ay dadku uga falceliyaan bartan.

Milkiilaha shirkadda Facebook Mark Zuckerberg, ayaa sheegay in waxyaabaha guud ee shirkadaha ganacsiga iyo warbaahinta ay ku xayeysiiyaan barta ay ka tan badiyeen ujeedadda dadka caadiga ah ay u isticmaalaan barta.

Mark Zuckerberg waxaa uu sheegay in isbaddelka la sameynayo ay shirkadda Facebook ahmiyad koowaad u leedahay.

“Si loo xaliyo dhibaatadan laga yaabo inay ka dhigan tahay inay dadku ku jiraan barta Facebook muddo kooban, balse muddadadaasi ayaaa macno aad u sareeyo lahaan doonto” ayuu yiri Mark Zuckerberg.

Shirkadda Facebook ayaa kala kulmeysay dhaleeceyn isa soo tareysay oo la xiriirta in dadku ay si caadi ah ula qabsadeen barta inay ku jiraan wakhti badan, ayna suuragal tahay inay dhibaato dhinaca maskaxda ah ay u geysato dadka.tmp_15894-facebooks-mark-zuckerberg-1430643513