Ciidamada Kiiniya iyo Kuwa Soomaaliya Oo Dagaal Ku Dhexmaray Xuduudka.

Soomalia (Salaanmedia.com)_ Wararka ka imaanaya degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal uu dhex maray Ciidamo Kenyan ah iyo ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, kaddib markii ay kala shakiyeen.
Dagaalka ayaa ka dambeeyay, markii ciidamada Kenya, gaar ahaan kuwa loo yaqaano la dagaalanka Argagixisada oo wajiyada u duubnaa ay saaka ka soo gudbeen xuduuda, iyagoo gudaha u soo galay Ceelwaaq.

Ciidamo-kenyan-150x150

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan wajiga u duubnaa ay ku hubeysnaayeen saddex ka mid ah gaadiidka dagaalka, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in gaarigooda uu ka babanayay calanka Al-Shabaab.
Ciidamada Dowladda ayaa muujiay shaki ku aadan in Ciidankan ay yihiin Al-Shabaab, waxayna u yeerteen askarta kale oo xiligaas guryohooda ku maqnaa iyagoo soo buux dhaafiyay halka laga baxo Magaalada, si ay isaga caabiyaan Ciidankan hadey yihiin Shabaab.
Ciidamada Kenya oo iyaga dhankooda qabay cabsi ku aadan iney dhexda ugalaan Shabaab ayaa markii ay arkeen Ciidanka Dowladda oo wada u fadhiya rasaas ooda uga, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal muddo kooban socday oo geystay Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.
Wararka ayaa intaa ku daraya in dagaalka uu ku dhintay Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda oo lagu magacaabo Maxamed Aadan Yuusuf (Ilka Case).
Lama oga khasaaraha soo gaaray ciidamada Kenyanka, waxaana xaalada degmada Ceelwaaq ay ku soo laabatay mid caadi ah, inkastoo dadka deegaanka ay hadal hayaan kala shakiga ciidamada oo midba midka kale uu u maleynayay Al-Shbaaab .