NUXURKA KULAN DHEX MARAY MADAXWEYNE BIIXI IYO WAFTIGII DAWLADA EMAARAADKU U SOO DIRTAY.14.01.18

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la yeeshay wefti ka socday dalka Imaaraadka Carabta oo toddobaadkan dhammaaday dalka yimid, kuwaas oo dib u laabtay.

thumbs (3)

Weftigan oo la sheegay inay ka koobnaayeen 7 xubnood, inkastoo aanay madaxtooyadu war rasmi ah ka soo saarin haddana waxa ay ujeedadoodu ahayd sidii ay Madaxweynaha ugala hadli lahaayeen arrimaha saldhiga Berbera oo ay xukuumadi sheegtay inay hakin ku samaysay ka dib markii ay soo baxeen arrimo farsamo oo aan ka fulin dhinaca Imaaraadka Carabta oo ku jiray heshiiskii uu Madaxweyne Siilaanyo la galay.

Warku wuxuu sheegay in Madaxweyne Biixi oo ay kulanka ku weheliyeen wasiirada arrimaha gudaha, arrimaha dibadda, gaadiidka iyo waddooyinka iyo xubno kale, uu u bandhigay xubhaha Imaaraatiyiinta ah dareenka Somaliland ee saldhiga, waxaanu sida warku sheegay codsaday inay xukuumadu doonayso in waxyaabo cusub lagu daro heshiiskii hore loola galay.

Qodobada uu Madaxweyne Biixi doonayo in lagu daro heshiiskaas hore nooma ay suurtogelin inaanu helno, laakiin weftiga Imaaraadka ah ayaa la sheegay inay Madaxweynaha ka codsadeen inay doonayaan in heshiiskii hore loola galay sidiisa loo fuliyo islamarkaana qodobada cusub ee ay Somaliland doonayso la soo qodobeeyo, kuwaas oo ay balan qaadeen in lagu dari doono.

Waxa kale oo uu warku sheegay in weftiga Imaaraadku ay Madaxweyne Biixi soo gaadhsiiyeen martiqaad rasmi ah oo ah inuu booqasho ku tago dalka Imaaraadka Carabta oo xidhiidh la leh Somaliland, waxaana la sheegay in Madaxweyne Biixi aqbalay martiqaadka balse aanu cayimin wakhtiga uu tagi doono.