SHIRKII TODOBAADLAHA AHAA EE GOLAHA WASIIRADA OO LOO BADALAY LABADII TODOBAADBA MAALIN.14.01.18

Hargaysa (Salaanmedia.con)_ Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa go’aamiyay in shirkii toddobaadlaha ahaa ee golaha wasiirada loo bedelo labadii toddobaadba maalin.

thumbs (7)

Shirka golaha wasiirada oo qabsoomi jiray khamiis kasta, hadda wixii ka dambeeya wuxuu qabsoomi doonaa labadii toddobaadba maalin oo noqon doonta khamiis.

Golaha wasiirada ayaa ilaa xukuumadii Marxuum Cigaal, waxa ay shirarkoodu qabsoomi jireen toddobaadkiiba khamiista oo lagu gorfeeyo xaaladaha muhiimka ah iyo hadba wixii soo kordha, laakiin waxay u muuqataa in Madaxweyne Biixi uu isbedelkan cusub ka mid yahay isbedelo badan oo uu soo saarayo, kuwaas oo qaarkood la arkay sida qaabkii dhoofitaanka iyo soo laabashada madaxweynaha oo safarkii Djibouti isbedel weyn laga arkay.

Geesta kale, madaxtooyada Somaliland ayaa khamiistii shaqada ka joojisay 97 shaqaale ah oo xarunta qaarkood ka hawlgalayay toddobadii sannadood ee u dambeeyay. Shaqaalahan ayaa la sheegay inaanay ku jirin nidaamka shaqo ee rasmiga ah ee qaranka balse ay ahaayeen ku meel-gaadh qaadan jiray gunooyin kala duwan.

Wax war ah madaxtooyadu kamay soo saarin shaqaalahan shaqada laga caydhiyay iyo sababta keentay. Laakiin waxaan iyana la garanayn sababta ay xukuumadii hore ee shaqaalahan shaqaalaysiisay ugu dari waday nidaamka shaqo ee rasmiga ah ee qaranka.