Madaxweynaha Somaliland iyo Safiirka Midawga Yurub U Qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Oo Kulan Wada Yeeshay Maanta Jan 19, 2018

Madaxweynaha Somaliland iyo Safiirka Midawga Yurub U Qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Oo Kulan Wada Yeeshay Maanta

Jan 19, 2018 Hargeysa (SM) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi Oo Maanta oo jimce ah taariikhduna ay tahay 19/01/2018 la kulan la qaatay safiirka midawga yurub, u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Veronique Lorenzo, oo dalka ku sugan, waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa loona dardar gelin lahaa xidhiidhka wada shaqayneed ee midawga yuurb iyo Somaliland.
26733909_1897206610592421_7315110792218850046_n
Waxa kale oo ay ka wada hadleen madaxweynaha iyo safiirku sidii laysaga kaashan lahaa, loona adkayn lahaa wada shaqaynta amniga iyo arrimaha budhcad badeeda, midawga yurubna ay sii wadan taageerada ay Somaliland, awalba ka siin jirtay arrimaha la xidhiidha, maalgashiga, qorshaha mashaariicda horumarineed ee dalka lagu horumarinayo iyo inay xooga saaraan, mashruuca weyn ee lagu dhisayo waddada u dhaxaysa Berbera iyo Wajaale loona yaqaan (Berbera Corridor), waxa kale oo kulankaasi lagu soo qaaday sidii dib loogu bilaabi lahaa wada hadaladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya.
26804363_1897206533925762_5235985751858374238_n
Waxaanu kulankaasi ku soo dhamaaday is afgarad iyo in sare loo qaado xidhiidhka labada dhinac ee Somaliland iyo Midawga yurub, sidoo kalena ay Somaliland ka taageeran dhinacyada maalgashiga, qorshaha horumarineed iyo tayeynta waxbarashada gaar ahaan farsamada gacanta.
26804363_1897206533925762_5235985751858374238_n

26733909_1897206610592421_7315110792218850046_n

26733636_1897206497259099_4699272892807970898_n

26731604_1897206420592440_7401290109734878359_n

26993620_1897206567259092_7099047429716157743_n

26908104_1897206463925769_5809732440690743323_n