Madaxweynaha Dawlad-deeganka Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, Hogaamiyihii Jebiyey Dayrkii Gumeysiga Bulshada Gabooye ee la Hayb-soco.

1516384125148-150x150

Madaxweynaha Dawlad-deeganka Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, Hogaamiyihii Jebiyey Dayrkii Gumeysiga Bulshada Gabooye ee la Hayb-soco. Gud. Golaha Aqoonyahanka Beelaha Gabooye Qaaradaha Yurub iyo America Gud. Golaha Aqoonyahanka Beelaha Gabooye Qaaradaha Yurub iyo America Cabdilaahi Ismaaciil Jaamac

Madaxweynaha Dawlad-deeganka Somalida Itoobiya Md.Cabdi Maxamud Cumar, Waa
Hogaanmiye ama horseede, waa qof Ummadiisa u horsaaday dhinaca Khayrka, Guusha, hormarinta iyo same ka talinta, sinaanta dadka uu hogaamiyo.
Ugu horayn waxan uga mahadceliya madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar, iyo xukuumada deegaanka ismaamulka, kulanki Balaadhan ee Wadatashi Iyo Wacyigelin Isugu-jiray ee u la yeeshay Xukuumada Iyo Beesha Gabooye oo Ka Qabsoomay Xarunta deegaanka Somalida Itoobiya ee magaalada jigjiga.
Kulankasi oo lagaga tashanayo jabinta fikirka dhaqan gumaysiga ah ee takoorka lagu hayo beelaha Gabooye. Madaxweyne waad ku mahadsan tahay, ku talaabsiga arrinkan.
Madaxweynaha Dawlad Deeganka Soomalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar Wuxuu Mudanyahey Ku dasho ,maamulada Kale ee Ka jira Dhamaan dhulka ay Soomaalido dagto waa in ay ku dayataa madaxwayne Cabdi Maxamuud, oo ay ka shaqeeya Sinaanta iyo Caddaalada xuquuqda kala sarayntana meesha ka saaran. Sida Madaxweynaha ama hoggaamiyaha cadaaladda iyo waxqabadka shacbiyadda Itoobiya md. Madaxweyne Cabdi maxamuud cumar. Waa Madaxweyne hogamiye da’yar oo ku sifoobay hormarka iyo hawlkarnimo, mudadi uu xilka hayayna gadhsiyey hormar an la dafir Karin Deeganka Soomalida Ethiopia , madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ilahay haka abaal-mariyo. Jasakahalah ayaanu leenahay, waxad tahay ileys ka keliya ee umadda Soomaaliyeed wada eeganayso, khaasatana Beelaha Gabooye oo Somali dhan ka waayey xuquuqdooda, balse ilahay adiga kugu galladay inaad gurmad u noqoto, .
Mudane halkaa kasii wad halganka iyo ka midho dhalinta gurmadkaaga.
Waa hogamiye ku sifoobay dacadnimo iyo caddalada, kuna dhaqa bulshada uu madaxweynah u yahay, inta la xasuusankaro waa madaxweynihii ugu horeya ee soo abaabulka kulan noocan oo kale ah oo lagaga hadlayo tacadiyada xuquuqal-insaanka, waayaha iyo duruufaha qallafsan ee ku xeeran nolosha dadka ka soo jeeda beelaha la hayb sooco ama laga tirada badan yahay ee Gabooye.
Dadka ka soo jeeda beelahani waxay ku noolyhiin gobol kaste iyo degmo kasta oo ka mida ah dhulka ay Somalido dagto ahi marnaba kamay quusan kamana dalayaan inay isu taagaan oo sheegtaan xuquuqda ka maqan iyo xaqa ay u leeyihiin ula sinaanta fursadaha sidaas darted waxaan ka qabnaa rajo wayn in aan heli doono ama gaadhi doono mar aan fogayn.
Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar waxa uu ka galay taariikhada lagu xoraynay dadka walaladiisa baal-dahab ah,
Waxan usoo jeedinaya Madaxwaynaha DDSI, anigoo ku boggaadinaya tallaabooyinka uu qaaday ee ku saabsan Xuquuqda beelaha Gabooye, oo Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar uu u hagar baxay.
In beelaha Gabooye laga siiyo saami cayiman oo aha mansabyada dawlada sida agsimayasha guud , madaxada haydaha dawlada ee madaxabana iyo shaqalaha dawlada
Si kor loogu qaado heerkooda waxbarashada waa in Jamacadaha iyo maxadyada ay siiyan tiro cayimada oo ah ardayda jamacadah
In Beelah Gabooye waa in loo sameeya komishan madaxbanan oo ka shaqeeya hormarinta ariimahooda sida, waxbarashada, dhaqalaha, ka qaybgalka siyaaad ,isdhexgalka bulshada iyo casriyaynta xirfadahooda.
Waxaan soo jeedinayaa In guddi-sare oo gaar ah aad u saarto oo isugu jirta Aqoonyahanka Ganacsatada , Madaxdhaqameedka , Culimadda iyo Dowladda isla-markaana inay 6 bilood gudohood ay ku keenaan war-bixin dadkaa ku saabsan isla markaana xalka ay soo bandhigaan.
Haddaba, Waxan halkan mar kale ugu baaqaya maamulida kala duwan ee Somalida sida, Xukuumada Somaliya, ee heer federaal, maamulka Puntland, Jubaland, Koon-fur galbeed iyo Xukuumada Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawlada jabuuti, dhamaantood in maamul kastaaba gaarkiisa iskugu taxalujiyo inuu dhaqanka gumeysiga ah ee ka tirtiro Xukunka bulsho ee dawladiisa, sidoo kalena siiyo mamul waliba oo ka qaybgeliyo mansabyada dawlada heer walba sida Baarlamaanka, Xukuumada dhexe, garsoorka iyo golayaasha deegaanka.
W/Q
Gudoomiyaha Golaha Aqoonyahanka Beelaha Gabooye Qaaradaha Yurub iyo America Cabdilaahi Ismaaciil Jaamac
Osmanburi@yahoo.com
Holand.