Xoghayaha Guud ee Xusbiga Kulmiye ee Waqooyiga Ameerika Marwo Samiya Fisher Oo Hambalyo iyo bogaadin u dirtay Madaxwayne Biixi iyo xukuumadiisa cusub

Xoghayaha Guud ee Xusbiga Kulmiye ee Waqooyiga Ameerika Marwo Samiya Fisher Oo Hambalyo iyo bogaadin u dirtay Madaxwayne Biixi iyo xukuumadiisa cusub

22752674_1502818649803147_103585028_nAnigoo ah Samia Fishar, waxan Madaxwaynaha Jumhurida Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ku bogaadinayaa madaxda aqoonta iyo waayo aragnimada leh ee xilalka kala duwan uu u magaabay si ay ugala hawl galaan xukuumadiisa cusub, taas oo islamarkaana ay ka muuqdaan dhalin-yaro badan oo ah dhiig cusub.

Waxa si cad u muuqata in Madaxwayne kaga dhabeeyay barnaamijkii cusbaa ee Kulmiye iyo balan qaadyadiisii uu ku galay ololehii Doorashada Madaxtinimo. Waxa hubaal ah, inuu Madaxweynuhu soo dhisay xukuumad kooban oo waliba tayo leh.

Waxaan marka hore si guud u hambalyeynayaa guud ahaan masuuliyiinta qaranka ee xukuumadan cusub. Si gaar ahna waxaan ugu hambalyeynayaa labada xubnood ee kala ah Wasiirka Warfaafinta Cabdirahmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-Barwaaqo) iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Proffesor Maxamed Faarax Xareed. Labbadaa xubnood oo ka mid ahaa Laanta Kulmiye ee Ottawa, Kanada islamarkaana ah laba shaqsi oo labbaduba ay ku duugan tanahay aqoon sare oo ay wax ku curin karaan, una dheer tahay karti iyo firfircooni ay qaranka ugu shaqayn doonaan haddii Eebbe idmo.

Ugu danbayntii waxaan masuuliyiinta xukuumada cusub iyo madaxweynahaba ugu ducaynayaa inuu Illaahay xilalka ay umada u qaadeen la garab galo, iyagana ka dhigo kuwii dalkooda iyo dadkooda si daacad iyo cadaaladba leh ugu shaqeeya.

Wa bilaahi tawfiiq,

Guul Somaliland,
Xoghayaha Guud ee Waqooyiga Ameerika ee Xusbiga Kulmiye,