GAADHI DUULAY OO GALAY DABAQ LABAAD EE DHISME KU YAALA JIDKA DHINACIISA IYO SIDA UU KU DHACAY SHILKAASI YAABKA LEH OO LA OGAADAY

1-45

Shantii maalmood ee ugu dambeeyey waxaa kaalin muhiim ah wararka maadayska iyo dhacdooyinka la yaabka leh ee dunida kaga jiray, dhacdada gaadhi galay shil lagu tilmaamay kii dunida ugu yaabka badnaa inta la og yahay ama muuqaal rasmi ah laga hayo.

Gaadhi yar oo nooca Tagsiga loo yaqaanno ah ayaa jebiyey xeerarkii cuf isjiidadka dhulka iyo diiwaannada shilalka gaadiidka dhulka mara kadib markii sameeyey bootin xoog badan oo inta ay dhulkii ka fujisay gaadhsiisay joog dhererkiisu afar mitir yahay.

Waxa ay dadka faalleeyey ku tilmaameen shil haddii sawirraddiisa oo keliya la arki lahaa aanay dad badani rumaysteen, laakiin fiidyowga maqalka iyo muuqaalka ah ee laga helay kamaradaha jidka ku yaallay ayaa xaqiiqada shilkan marag muran la’aaneed ka noqday.

Shilkani waxa uu sabtidii toddobaadkii hore ka dhacay magaalada Santa Ana oo ku taalla koonfurta gobalka California ee dalka Maraykanka. Gaadhigan oo ay saarnaayeen darawalka iyo nin kale ayaa galay qol ka mid a hxarun caafimaadka ilkaha ka shaqaysa oo ku taalla dabaqa labaad ee sartan, laakiin sida sawirkaba ka muuqata ma’ uu wada gelin ee qaybta dambe ayaa bannaanka guriga ka soo lulalatay, illaa ay ciidamada nabadgelyada waddooyinku ka soo dejiyeen.

Ciidamada nabadgelyada waddooyinka ayaa baadhitaannadii shilkan ku helay, sawirro maqal iyo muuqaal ah oo ay qaadday kamarad kuwa ammaanka ee jidadka lagu rakibo ah, waxa aana si fiican loo arkay gaadhigan oo xawaare aad u sarreeya kaga soo gudbaya waddada, kaddib waxa uu jiidhayaa kaabad (Askari jiifa ah) oo waddada ku taallay, waana sababta keentay in xawaarihii uu ku socday awgii markii uu kaabadda jiidhay in uu kor u boodo, illaa uu gaadhay joog afar mitir ah oo uu galay dhismahan.

Booliisku waxa ay sheegeen in darawalka oo sakhraansanaa ay soo gaadheen dhaawacyo fudud, halka ninkii la socday anau waxba noqon, isaga oo badqabana gaadhiga oo weli halkii saaran uu ka soo degey. Wargeyska Geeska Afrika oo warkan ka soo akhriyey shabakada wararka ee Alcarabiya iyo barta uu wargeyska New York Post ku leeyahay internet ka ayaa halka akhristayaashiisa ugu soo gudbinaya saddex lingax (Link) oo ku xidhiidhinaya baro You tube ka ah oo la geliyey muuqaalka kamaradda ee muujinaya qaabka uu u dhacay shilkan yaabka badani. Waxa aanay linkiyadaasi kala yihiin: