Hantidhawrihii Hore Siciid Saleebaan Oo Suuqii Xamiliwaayay Kadibna Shaqadii Ku Qabsaday Hantidhawrihii Madaxweyne Muuse Biixi Soo Bagacaabay: Sheeko Xiiso Leh .

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Hanti-Dhawrihii hore ee Shaqada laga eryay dhawaan Siciid Saleebaan Mire ayaa Doraad si kedis ah dib ugu soo laabtay Xarunta Xanti Dhawrka Qaranka Somaliland waxaana uu sheegtay inuu Wali Xafiiskaasi Shaqo ka hayo oo aanu ka tagin,Waxaanay Si weyn ugu dhex murmeen Xafiiska Hanti Dhawraha cusub Axmed Yuusuf Dirir isagoo warqado ogaysiis ahaa oo gidaarka ku dhejisnaa jar jaray.

55955B76-D2BB-4266-8664-2DEDDCFE4865-150x150

Hantidhawraha cusub ayaa daaha ka rogay in Siciid Saleebaan Mire uu isagoo cadhaysan orod ku soo galay Doraad Xafiiska Hanti Dhawrka Qaranka ee dhawaan uun xilkiisa laga tirsaday,waxaanu sida la sheegay si toos ah u abaaray Xafiiska Agaasimaha Shaqaalaha Hanti Dhawrka isagoo hadalo taag taagan kula hadlay Islamarkaana ku qabsaday,kuna canaantay ogaysiis shaqaalaha ku saabsanaa oo lagu dhejiyay gidaarka Afaafka hore ee laga galo Xafiisyada Hanti Dhawrka Qaranka,isagoo markii dambena Gacantiisa ula tagay Ogaysiiskaasi,kuna jarjaray Shaqaalaha Iyo Madaxda Hanti Dhawrka Hortooda,arintaasi oo fajac iyo yaab ku dhalisay Guud ahaan Shaqaalihii ka hawlgalayay Xafiiska ee Wakhtigaasi ku dhex sugnaa xarunta.
Waxa uu sidoo kale ugalay Xafiiska Hanti Dhawraha Cusub ee uu dhawaan xilka ku wareejiyay Axmed Yuusuf Dirir waxaana sida la sheegay halkaasi ku dhex maray muran xoogleh,isagoo Hanti dhawrihii hore Siciid Saleebaan Mire ku dooday inuu Kusime ahaan u sii hayay Xafiiska Hanti Dhawraha ee uu dhawaan Madaxweynuhu ka qaaday balse uu gudoomiye ku xigeen ka ahaa Xafiiska islamarkaana aan wali laga qaadin Xilkiisii rasmiga ahaa ee Gudoomiye Ku xigeenka Hanti Dhawraha Qaranka,arintaasi oo ka daan degi wayday Hanti dhawraha Cusub. Waxa uu Hanti Dhawraha Cusub Axmed Yuusuf Dirir dhinaciisa ugu caqli celiyay oo uu u sheegay inay Ceeb ku tahay Siciid mire inuu dib ugu soo laabto xafiis uu madax ka ahaa mudo yar horteed oo lagaga tirsaday Degreeto madaxweyne waxaana uu u sheegay inuu degreeto Madaxweyne ula yimaado oo uu markale xafiiska ka tirsado ama uu Xafiiska uga baxo.
Wararkan ayaa intaasi ku daray in markii dambe ay askarta illaalada Xafiiska Hanti dhawrku xoog kaga saareen Siciid Mire,iyadoo uu Hanti Dhawraha Cusubina amar ku siiyay Ciidanka afaafka hanti dhawrka illaaliya inaanay mar dambe gudaha Xafiiska usoo dayn Masuulkaasi haddii uu soo noqdo.