Booliska Somaliland Oo Soo Bandhigay WEJIYADA Caagga Ah (Maaskaro) Ee Tuugta Iyo Dadka Fuliya Shirqoolladu Ay Addeegsadaan.

Hargaysa (Salaanmediw.com)_ Ciidammada Booliiska Somaliland oo Maalmihii dambeeyay waday Hawl-galo ay kula dagaalamayaan dhallinyarada Habeenkii Dadka baadha iyo Dadka ka Ganacsada Maandooriyaha Khamriga iyo Xashiishaddu ka mid yihiin, ayaa soo bandhigay Khamri faro badan oo ay qabteen iyo tobannaan Budhadh, Tooriyo iyo Faashash laga qaaday Dadka qaarkood.

Warka-Booliska-1-70x70-150x150

Taliye ku-xigeenka Booliiska Cabdiraxmaan Fooxle iyo Afhayeenka Ciidammada Booliska Somaliland Faysal Xiis Cilmi oo Shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sidoo kale soo bandhigay Wejiyo caag ah oo ay sheegeen inay gashadaan Dadka baadha Dadku, Wejiyadaas Caagga ah oo ah wax ku cusub gudaha Somaliland isla-markaana keeni kara Arrimo khatar ah oo Amniga waxyeeli kara.
Taliyaha Ciidammada Nabadgalyada Waddooyinka, ahna Afhayeenka Ciidammada Booliiska Faysal Xiis Cilmi oo ugu horreyn halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Ciidammada Booliiska oo gudanaya waajibkii Qaran ee loo igmaday ayaa waxay soo qabteen Khamri ku jira Jirikaanno iyo Caagadaha (Biyaha), Budhadh, Tooriyo, Faashash iyo Maskataari Wejiga beddelaya ee gashadaan (Weji Caag ah), waxaasi (Waxa Wadaana) waa Dhallinyarada ay Ciidammada Booliisku hadh iyo habeen Dagaalka kula jiraan.”
Afhayeenka Boolisku waxa kale oo uu sheegay “Waxaanu digniin u diraynaa Waalidiinta dhalay Dhallinyaradaasi, waxaanuna leenahay hadday Dhallinyaradadooda Gacanta ku qaban waayaan waxay la kulmi doonaan Ciqaab adag, kuwa hadda la hayana waad arki doontaan.” Ayuu yidhi,
Taliye ku-xigeenka Ciidammada Booliska Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa Dadka ka Ganacsada ee sameeya ama Dalka u soo waarida Faashashka u diray Digniin, waxaanu yidhi “Nimanka Farsamo-yaqaannada ah ee sameeya Seefaha iyo Tukaamada la soo dega ee Dibedda kala yimaadda, dhammaantood Sharciga ayaa la horkeeni doonaa, baadhitaan dhab ahna Ciidanku way ka galayaan, inay wixii Sharciga ka hor-imanayana xaq bay u leeyihiin inay soo qabtaan, markaa Farsamo-yaqaannada waxaanu uga digaynaa inay sameeyaan Toorriyaha Dadka lagu baadho.”
Taliye ku-xigeenku wuxuu sheegay in Gaadiidka yaryar ee loo yaqaanno Tukhaanku ay saldhig u noqdeen Mukhaadaraadka iyo Faashashka, “Dadka wata Gaadiidka yaryar ee Fitistu ma wada xuma, laakiin waxay Saldhig u noqdeen Miukhaadaraadka iyo Faashashka iyo dhaqan-xumo, intaaba waa lagu hayaa, markaa Gaadhigii lagu arko Faash Sharciga ayaa la hor-geynayaa.”ayuu yidhi.