WAR DEGDEG AH LABA NIN OO LAGU DILAY GAADMO DEEGAANKA DARARWEYNE.21.01.18

tmp_23583-BREAKINGNEWS-1632465492

Ceel afweyn (Salaanmedia.com)_ Laba nin oo ka soo jeeda Beelihii sanadkii hore didirtu ku dhex martay deegaanada ceel afweyn oo saaka Laba Nin gaadmo lagu dilay oo ka soo jeeda beesha Sacad yoonis HY.

Sida wararku Nagu soo gaadhayaa falkan gaadmada ah ee lagu dilay labada nin ayaa ay gaysteen ciidan beeleed ka soo jeeda beesha Biciide Isla markaana falkan foosha xun ayaa Laga. Baqayaa in uu isu badalo dagaal weyn oo ka dhex aloosma Mar kale Labadii beelood ee Sanadkii hore Ee xukuumadii Siilaanyo Dirirtu ku dhex martay Deegaanada. Ceel af aweyn.

Hadaba si Kastaba ha ahaatee Colaadan Saaka ka bilaamatay deegaanka Dararweyn xili ay ciidamada Qaranka Somaliland ay ku jiraan xaalad dagaal Oo jiida hore Isku hor fadhiyaan ciidamada Puntland Isla markaana Ciidanka Qaranku ay sida caadadu ahaan jirtayba ay ahaayeen kuwii Kala dhex gali jiray labadan beeleed ee saaka dirirta gaadmada ahi kaga dhex bilaamatay Degaanka dararweyne Ee Beealaha Biciido iyo. Beesha Sacad Yoonis.

Guntii iyo gaba gabadii Falka foosha xun ee ay Geysteen beesha baho biciido Ayaa Laga baqayaa in uu noqdo Dhimbiishii Mar labaad Hurisay Dagaal ka dhex aloosma Labada beelood. Ee deegaanada. Ceel afweyn Biciido iyo Sacad Yoonis.

Wixii war ah ee soo kordha kala soco. Shabakada Salaanmedia.com