Madaxweyne Farmaajo oo Magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Iyo Ku Xigeennadiisa January 21, 2018

Madaxweyne Farmaajo oo Magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Iyo Ku Xigeennadiisa January 21, 2018

Daawo Muqaal:Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo Ayaa Soo Saaray Warbixin Ku Saabsab Hantida Qaran..19.01.18
Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa goordhow xilka qaadis ku sameeyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxaemd iyo ku xigeenadiis.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho loogu magacaabay Wasiirka Warfaafinta Injineer C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo)
-Markuu arkay soojeedinta Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka& Dib-u-heshiisiinta;
Markuu wadatashi la sameeyey, islamarkaasna dhageystey talooyinka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya;
Madaxweyahu waxuu shaqsiyaadka hoose u magacaabay xilalkakala ah:
Mudane Cabdiraxmaan CumarCismaan (Eng. Yarisow) waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Benaadir Ahna Duqa Muqdisho;
Maxamed Cabdullaahi Maxamed waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Amniga iyo Siyaasada;
Hussein Mohamed Nurwaxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka 2aad eeMaamulka&Maaliyada;
Marwo Basma Omar Ahmed waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada & Wacyigelinta
Aadan Sheikh Cali Fidowwaxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka HowlahaGuud
Xoghayaha Guudwaxaa loo magacaabay Cumar Abdirisaak Xuseen