DAAWO: Dagaal Sababay Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawac-ba Leh Oo Laba Beelood Ku Dhex-maray Deegaano Ka Tirsan Degmada Ceel-Afwayn

Ceeladweyn (Salaanmedia.com)_ -Saaka arooryaddii hore ayaa dagaaal ku dhex maray beelaha walaalaha ah ee deegaanka Darar-wayne ee Dagmadda Ceel-afwayn labada beelood ee Baho-baciide iyo Sacad Yoonis kuwaas oo ay is rasaaseeyeen dad reer guuraa ah waxaana halkaasi ka dhashay dhimasho iyo dhaawac aan tiradooda wali si rasmi ah loo xaqiijin waxaana kal dhex galay imika ciidanka milatariga iyo kuwa booliska aagaasi.
Lama oga wali dhanka weerarka ku horeeyay iyo waxaa keenay in labada dhinacba ay buriyaan heshiis dhawaan la dhex dhigay, si aanu u ogaano warar dheeraada oo arrinkan ku aadan ayaa waxaanu xidhiidh la samaynay Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Wasiir ku xigeenkiisa Maxamed Muuse Diiriye iyo Af-hayeenka Ciidanka Booliska Somaliland oo dhamaantood uu xidhan yahay Mobile-kooda gacantu.