[Deg Deg ]:- Dhimashada Iyo Dhaawaca Dagalkii Maanta Ee Darar Weyne Oo La Shaaciyey Iyo Xukuumada Oo Baaq Dirtey +[ Muuqaal]

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Idaacada BBC-da ayaa waxaa ay caawa ka hadashey dagaalkii maanta ka
dhacay deeganka Darar Weyne ee gobalka Sanaag , waxaana wariyaha idaacadaasi ee magaalada Hargeysa Axmed Siciid Cige waxuu sheegay in dhimashadu ay ka badan tahay 10 qof isla markaana dhaawacu ka badan yahay 20 qof sida ay u xaqiijiyeen badhasaabka gobalka Sanaag Axmed Cabdi Fly iyo wasiir ku xigeenka arimaha gudaha Maxaed Muuse Diiriye

Xukuumada Somaliland ayaa hada u gurmatey dagaalkaasi isla markaana kala dhex gashay labada beelood , waxaana dadkii ku dhaawacmey dagaalkaas lagu dabiibayaa cisbitaalka magaalada Ceerigaabo

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

https://youtube.com/watch?v=24xgmAo00k8