Puntland Oo U Yeedhay Jeneraal Moorgan Si Uu Uga Caawiyo Dagaalka Ay Abaabulkeeda Ay Ku Jirto Ee Ay Ku Soo Qaadayso Somaliland

Garoowe (Salaanmedia.com)_ Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cali-Weli Cali Gaas ayaa u yeedhay si uu dagaalka uu Somaliland la galayo uga caawiyo Dhiigyacab Maxamed Siciid Xirsi (Morgan) oo ka mid ahaa saraakiishii Ciidamadii Taliskii Siyaad Barre ee Soomaaliya ee qaybta wayn kulahaa Xasuuqii 1988-kii loo gaystay Shacabka Reer Somaliland waxaana si weyn looga dareemayaa Soo dhawayntiisa Magaalada Caasimada u ah Maamulkaasi ee Garowe.

Capture-59-150x150

Wararka naga soo gaadhay Xalay magaalada Garowe ee Xarunta u ah Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee puntland ayaa daaha ka rogay in Maamulkaasi maalmihii u dambeeyay ku mashquulsanaa abaabul dagaal islamarkaana ay Garowe iskugu yeedheen sarkaal kasta oo ay khidad dagaal ku tuhmayeen oo ka mid ahaa Saraakiishii Dawladdii Siyaad Barre ee Burburtay, waxaana si weyn magaalada Garowe looga dareemayay soo dhawaynta Dhiigyacab Maxamed Siciid Morgan oo la sheegay inuu Madaxweynaha Puntland Cabdi Weli gaas u yeedhay si uu gacan uga siiyo abaabulka dagaal ee uu maamulkiisu damacsan yahay inuu ku soo qaado Ciidamada Jiida Hore ee Somaliland,kaasi oo la sheegay inuu ku soo aadan yahay Maalmaha fooda inagu soo haya Magaalada Garowe oo soo dhawaynta loogu diyaariyay.
Morgan ayaa safka hore kaga jiray Saraakiishii Ciidan ee qaybta ka ahaa Ciidamadii Siyaad Barre ee Xasuuqa ba’an u gaystay Shacabka Reer Somaliland wakhtigii 1988-kii ee ay Xoogagii SNM Dagaalka qadhaadh kula jireen Nidaamkii kelitaliska ahaa ee Siyaad Barre waxaanu imaatinkiisu sii hurinayaa colaadda dagaal ee ka istaadhan Deegaanka Tukoraq ee Gudaha Dalka Somaliland. Waxa si weyn Magaalada Garoowe looga hadal hayaa Imaatinka Morgan iyo saraakiisha kale oo ay qaarkood todobaadkii hore Soo gaadheen Garoowe,Waxaanay Reer Puntland u arkaan inuu Morgan Wax weyn ka badeli karo islamarkaana uu ka gaysan karo Qorshaha dagaal ee ay Maamulka Puntland ku doonayaan inay dib ugu soo riixaan Ciidamada Qaranka Somaliland ee Deegaanka Tukaraq ku sugan.
Haddii ay Dhabawdo inuu General Morgan qayb ka noqdo Dagaalka Puntland ay ku soo qaadayso Somaliland waxay arintaasi horseedi kartaa dagaal riiq dheeraada oo shucuurta Shacabka Somaliland kiciyay,Kaasi oo keeni kara in Ciidamada Qaranka Somaliland gudaha u galaan Gudaha hore ee Dhulka ama Carrada Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.