Jaaliyada Maraykan ee Somaliland oo codsaday in Safiir cusub loo soo magacaabo.Feb.05.18

Jaaliyada Maraykan ee Somaliland oo codsaday in Safiir cusub loo soo magacaabo.Feb.05.18Flag

Jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan dalka maraykana ayaa baaq aad u dheer usoo diray Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland col. Muuse Biixi cabdi iyo Wasiirka arimaha debada Sacad Cali shire. Jaaliyadu waxay tilmaameen in Wakiilka imika Somaliland maraykan uGu magacaabani uu yahay nin aan wax shaqo ah qaban oo shaqo kale oo fulltime ah haysta, sidoo kalana aan wax shaqo ah aan u qaban Somaliland, Rashiid Gaaruf oo at qaraabo dhaw ahaayeen Xaaskii madaxweynihii hore aamina weris ayaa ah nin aan habayaraatee wax shaqo ah u qaban Somaliland hadana bil kasta loo diro lacag Tobon kun oo doolar ka badan iyo lacago kale oo dheeraad ah oo uu kaharshyo ku sheego.

Jaaliyada reer Somaliland ee Gobolada maraykanka ku kala nool oo baaq wada jir ah soo qoray ayaa waxay sheegeen in Somaliland ay ka gaabisay inay xidhiidh la samaysato Dalkii aduunka uGu weynaa oo ah Maraykanka ka dib markii uu Rashiid gaaruf noqday wax matare qabyaalad iyo qaybinta bulshada u banbaxay oo aan aan haba yaraatee wax horumar siyaasadeed iyo mid dhaqaale toona ka keenin Maraykanka. Safiirkii hore ee Somaliland u joogi jiray maraykanka ayaa can ku ahaa inuu si joogto ah wasaarada debada ee maraykan iyo aqalada kongoreska iyo Senedka si joogto ah ula kulmi jiray, kuna guulaystay inuu Somaliland keeno Kaaliyaha arrimaha debada u qaabilsanaa qaarada afrika

Madaxweynaha Somaliland kornayl muuse biixi ayay shacbigu ka war sugayaan inuu ka qabto kuwa safiirada lagu magacaabo ee beenbeenta lacagta ku qaata qabyaaladana ay xukuumadii hore ku magacawday

Baaqa Jaaliyada ayaa sidan u qornaa

KU:-Wasiirka Wasaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah. =Hargysa=
UJ:-In Maraykanka Aad Loogu Baahan Yahay Wakiil Cusub.
Muhiimada warqadani Mudane wasiir waxay ka turjimaysaa sida Jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan Maraykanku ay u arkaan in aanu jirin wax dadaal ah oo logu raadinayo aqoonsi Somaliland hesho ilaa iyo sanadkii 2012.

Maraykanku waa meelaha ugu wanaagsan ee u baahan in dowlada Somaliland iyo Jaaliyaddu ay iska kaashaddaan si loogu helo aqoonsi dalkeena Somaliland, taas oo aan u aragno in ay faa’iido weyn u leedahay dalka iyo dadka reer Somaliland meel kastaba ha joogaane.

Mudane Wasiir, jaaliyadda dagan Maraykanku aad ayay niyaddoodu u hoosaysaa, sababtoo ah wakiilka Somaliland ufadhiya dalka maraykanku maaha nin ku haboon oo kujira dadaalkii looga baahnaa ee wadankeenu aqoonsiga ku heli lahaa. Iska daa inuu dalka aqoonsi uraadiyee waxa uu kala qaybiyay jaaliyada Somaliland ee degan wadanka Maraykanka.Taas oo aad adiguba indhahaaga ku aragtay markaad Washington, DC noogu timi May 2017.

Anagoo ah guddoomiyayaasha 6 States, waxaan baaq wada jir ah kaga codsanaynaa dowladda cusub ee Somaliland, siiba Wasiirka Wasaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Dr. Sacad Cali Shire, in aan aad ugu baahanahay in naloo soo magacaabo wakiil cusub oo Jaaliyaddaha la jaan qaadi kara.

Somaliland Community of Greater Washington, DC
Guddoomiye: Jamaal Y. Daroor Tel: 1-571-339-77777
Guddoomiye 1aad: Kanachi Mohamed Tel: 1-571-490-1965
Gud. Daqaalaha: Kaltoon Hussien Issa