MADAXWEYNE BIIXI OO BEESHA CAALAMKA KA DIIDAY IN CIIDAMADA QARANKU DIB UGA SOO NOQDO DEGAANKA TUKA RAQ

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa beesha caalamka ka diiday in ciidanka qaranka Somaliland dib uga soo noqdo degmada Tukaraq ee gobalka Sool oo ay ciidamada qaranka Somaliland dhawaan la wareegeen, ka dib markii ay maleeshiyaadka Puntland ciidanka Somaliland ku soo qaadeen weerar.

thumbs

Warar xogogaala oo uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in dalalka beesha caalamka ee xidhiidhka dhow la leh Somaliland iyo weliba Qaramada midoobay ay dawladda Somaliland ka dalbadeen inay dib ciidanka qaranka ugu soo celiso deegaanadii ay hore u fadhiyeen. Talaabadan ayaa la sheegay in Madaxweyne Biixi uu si cad ugu gacan saydhay dunida islamarkaana uu ku dooday inaanu ciidanka qaranka Somaliland ku hawlanayn duulaan balse uu ku suganyahay xuduudkiisii oo qaybo u hadhsanyihiin, waxaanu taas lidigeed ka codsaday inay Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo cadaadis ku saaraan inuu joojiyo colaad uu waddo. Madaxweyne Biixi ayaa sidoo kale wuxuu beesha caalamka ka diiday inuu la hadlo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas, isagoo ku dooday inaanay waxba ka dhaxayn Somaliland iyo maamulka Puntland balse uu diyaar u yahay inuu la hadlo madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.
Dalalkan beesha caalamka, ayaa wuxuu warku sheegay in wakiilo ka socda qaarkood ay si toos ah ula kulmeen Madaxweynaha, halka ay kuwo kalena u soo direen safiiro iyo dhambaalo.
Degmada Tukaraq ayaa noqotay degmadii ugu muhiimsanayd ee ugu dambaysay degmooyinka ka tirsan gobalka Sool ee ku jirtay gacanta maamul goboleedka Puntland, waxaanay Puntland degmadan ku lahayd xarun kastam oo ay cashuurta ku urursan jirtay.