Madaxweyne Muuse Oo Dr Cirro Iyo Eng Faysal Madaxa U Galiyay Arrin Ay Hore Uga Muquurteen

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa
maanta kulan gaar ah la qaatay hoggaamiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo hoggaamiyaha Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro. Sida lagu sheegay qoraal Madaxtooyada ka soo baxay kulanka waxa la iskula meel-dhigay sidii saddexda xisbi qaran, iyaga oo isku duuban ay uga wada-hawlgeli lahaayeen hirgelinta doorashooyinka Baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka ee dalka ka qorshaysan sanadka soo socda ee 2019-ka.

IMG_AADB5F-DFB232-A8169E-4E620C-3A9997-04D2F9

Madaxweynaha iyo labada hoggaamiye xisbi mucaarid, ayaa sidoo kale kulankooda iskula gartay inay saddexda xisbi ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI yeeshaan wada-shaqayn joogto ah, lana hirgeliyo guddi ka kooban 15-xubnood oo xisbi waliba yeelan doono 5-xubnood, si loo xoojiyo wad-shaqaynta axsaabta qaranka.

Madaxweyne Muuse Oo Dr Cirro Iyo Eng Faysal Madaxa U Galiyay Arrin Ay Hore Uga Muquurteen

Arrinta ku saabsan dejinta saami qaybsiga 82-ka mudane ee golaha wakiillada ayaa ah caqabada ugu weyn ee hor taalla doorashadaasi. Arrintan ayuu madaxweyne Siilaanyo 2016 hor dhigay Madaxweyne Muuse, Dr Cirro iyo Eng Faysal oo musharraxiin ahaa waxaanay faraha ka laabteen in ay bulshada u qaybiyaan 82-ka kursi taas oo sababtay in madaxweyne Siilaanyo doorashada Wakiillada dib u riixo ilaa horraanta 2019 waxaana hadda la sugaya xalka arrintaasi.

Mawqifkii Muuse, Cirro Iyo Faysal

Madaxweyne Muuse, Dr Cabdiraxmaan Cirro iyo Eng Faysal oo musharraxiin madaxweyne ahaa markii ay xallinta arrintan ku guuldaraysteen iyada oo mid walba ka baqayay in uu cod ku waayo waxay xilligaas sheegeen in aanay arrintan xallin Karin.

“Nin madaxtinimo doonayaana gar ma qaadi karro, markii naloo dhiibayna waanu ka baqanay, waxaananu isla garanay in madaxweynaha Somaliland loo gudbiyo. Isagaa odeygii qaranka ahe, wixii xal ah ee uu arrintaasi ka keenanna in aanan hadal ka keenin ayaanu isla garanay,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Muuse maalintii go’aanka loo gudbinayay mudane Siilaanyo.

“Arrintan xal looma waayine, ee xiniinyo ayaa loo waayay. Maantana waa nagu ceeb in aanu nidhaahno annagoo doonayna in aanu dalka xukuno, 82-kursi ayaanu qeybin kari waynay, waa wax laga xishoodo, qofka madaxtinimo doonayaana haddii aanu lahayn karti iyo xiniinyo uu ku qaato qaraar adag inuu kursiga soo doontaba ma aha,” Sidaas ayuu yidhi Eng Faysal oo isna maalintaasi ka hadlay sidaas oo kale ayuu Dr Cirro-na u sheegay in ay arrintan waxba ka qaban kari waayeen.

Hase ahaatee hadda waxa is waydiin mudan sida Dr Cabdiraxmaan Cirro u aqbalayo in uu arrintan xalkeeda galo maaddaama uu wali musharrax madaxweyne u yahay Waddani, halka Madaxweyne Muuse oo maalintaas hore Siilaanyo ku riixay maantana iyaga ku riixayo. Eng Faysal ayaanu caddayn mustaqbalkiisu iyada oo la hadal hayo in uu mar kale u ordi doono Madaxtinimada waxaanu dhawaan sheegay in haddii Muuse dawladnimada wanaajiyo uu tartami doono.

Muxuu xalku noqon karaa?

Dr Cali Khaliif Galaydh oo shalay isaga oo jooga Maraykanka ka hadlayay saami qaybsiga Wakiillada waxa uu soo jeediyay in lagu saleeyo baarlamaankii jiray 1960 “Baarlamaankii 1960-kii oo 33 ahaa 21 ayaa reer Sheekh Isaxaaq ahaa, 12-ka kalena ma ahayn, haddii maanta aanay ahayn 33 oo ay 82 yihiin waa in boqolay lagu saleeyo oo tirada hore uun lagu dabakho oo Dhulbahante oo kale ilaa 12 yeesho, halka imika ay 6 ka leeyihiin,” Sidaas ayaa ka mid ah aragtida Dr Cali Khaliif.

Xog ururinay laga sameeyay lixda gobol ee laga soo doorto mudaneyaasha wakiillada oo ay sameeyeen Akadamiyadda Nabada, Daladda SONSAF iyo guddi wakiillada ah ayaa dhammaantood 2016-kii lagu sheegay kuwo kaaf iyo kala dheeri ah oo aan is waafaqayn sida gobol walba wax u doonayo. Arrimahaas markii la eegay ayay musharraxiintii madaxweyne arrintaas ku macneeyeen in ay tahay car I taabo taas oo noqonaysa in beeluhu cabasho weyn ka samayn karaan marka wax la qaybiyo.