Xukuumadda Oo Ka Hadashay Sababta Ay U Beegsanayso Adeegyada Zaad iyo E-dahab.

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Guddiga madaxwaynaha Somaliland u magacaabay xal u helidda sicir bararka ayaa maanta la hadlay warbaahinta, waxaanay sheegeen inay ku dedaalayaan sidii loo soo celin lahaa isticmaalka shillinka Somaliland oo ay sheegeen inuu gabaabsi ku dhaw yahay.

https://youtube.com/watch?v=izBOq3nVX5E

Sidoo kale Guddigan oo la waydiiyey sababta ay u beegsadeen adeegyada Zaad iyo E-dahab ayaa waxay sheegeen in cidda adeega bixinaysa aan la beegsan balse ujeedku yahay in la kordhiyo isticmaalka shillinka Somaliland “Zaad iyo E-Dahab wax kale umaanu beegsan ee dadku dhadhankii uu lacagtooda u qabay astaantooda ah ee waddaninimadoodu ku jirtay ayaaba faraha ka baxday. Waxaan gaadhnay heer aynu noqono waddan ka xoroobay lacagtiisa, Zaad-ka iyo E-Dahab-ka kuwa bixiya oo kaliya maaha sababtu; ninkii wax iibinayay isagii baa dollar raba oo lacagtiisii ka soo horjeeda, kii wax iibsanayayna waxay ku kalliftay in uu dollar isticmaalo, marka lama hadlayno kaliya kan adeegga bixinaya ee shacabka Somaliland waa in ay ogaadan lacagtoodu in ay qiimahooda tahay,” Sidaas ayaa ka mid ah hadalka guddida.