REERKA AAN KA SOO JEEDAA HADUU SHIRAAYO IYO HADII AANU SHIRAYNBA WAA ARIN REERKA U TAALA EE MA KHUSAYSO XISBIGA WADANI

Hargaysa (Salaabmedia.com)_ Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa ka hadlay kulan xisbiyada mucaaradka ah ay la qaateen madaxweyne Muuse Biixi iyo waxyaabaha ay ka wada hadleen.
Guddoomiye Cirro waxa uu sheegay in madaxweynaha ay ka wada hadleen arimaha doorashooyinka, wada hadalada Somaliland iyo Somaliya oo bilaabmi doona,

thumbs (3)

sida oo kale waxa uu ka hadlay shirka beesha Garxajis ay ku baaqday oo uu ku tilmaamay mid beeshu xaq u leedahay.
Ugu horayntii guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo ka hadlaayay kulanka ay wada qaateen madaxweynaha waxa uu yidhi “Kulanku sida uu madaxweynuu sheegay xogwaran ayuu ahaa labada qodob ee ugu muhiimsanaa ee xogwaranka uu noogu yeedhay waxay kala ahaayeen qabsoomida doorashooyinka golaha wakiilada iyo golayaasha deegaanka oo ku mudaysan bisha sadexaad 2019, sida uu madaxweynuu sheegay komishanka waa uu u yeedhay talo ayuu waydiiyay soo jeedin ayay u soo direen, waxa uu soo jeedintaas u diray golaha wakiilada iyo golaha guurtida, waxaanu u yeedhay xisbiyada in arimaha doorashada laga wada tashado, xisbiyaduna ay qayb ka noqdaan qabyo tirka doorashooyinka sidii awalba dhaqanku ahaan jiray. Arinta labaad waxay ku saabsanayd in xukuumada Somaliland ay dib u bilaabayso wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya iyada oo laga yaabo inay dawlado badan ku soo biiraan oo markii hore aan ku jirin, mudada ay bilaabmayaana madaxweynuu nooma sheegin waxii talooyin ah ee ay asxaabtu ka bixinayaan ayuu madaxweynuu u soo jeediyay, qodobada kale waxay ahaayeen xaalada guud ee ay Somaliland hada ku sugan tahay oo iyadana uu nooga xogwaramay.”
Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo la hadlay shirka beeshiisa Garxajis ay qabsanayso iyo sida uu u arko waxa uu yidhi”Dadka qaar ayaa laga yaabaa iyaga oo dano gaar ah ka leh inay isku eekaysiiyaan asxaabta qaranka iyo reeraha, xisiga Waddani waa xisbi qaran reerkaas aad sheegtay ee aan ka soo jeedaana waxa uu ka mid yahay reeraha Somaliland, reeraha Somalilandna hore ayay u shireen waanay shiri karaan oo kuwii hore ee shiray uunbay la mid yihiin, sharci ka yaal Somaliland oo lagu hagaayo shirarka reerahana ma jiro, xukuumada Kulmiye ee cusubina siyaasad ay ku maamulayso arintaasi ma jirto, markaas waxaan u arkaa shir caadiya oo reerkaasi hadii uu shiraayo iyo hadaanu shiraynba, haduu dib u dhigaayo iyo hadaanu dub u dhigaynba waa arin reerka khusaysa oo aan xisbiga khusayn.”