QODOBADA LAGA SOO SAARAY SIXIR BARARKA HALKA AY KU DANBEEYAAN WAYNU EEGI DOONAA.FEB 07.18

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Musharaxii Madaxweyne ku xigeen ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani danjire Maxamed Cali Aw Cabdi,ayaa ka hadlay qodobada iyo go’aamada ay Xukuumaddu ka soo saartay sicir bararka, waxaanu xusay in Xukuumaddu aanay si toos ah u abaarin qodobadii wax lagaga qaban lahaa sicir bararka,ee ay raacday waddadii ay Xukuumaddii hore ku fashalintay.

thumbs (5)

Danjire Maxamed Cali Aw Cabdi oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay muddo xileedka Xukuumadda Muuse Biixi, waxaanu xusay in boqolkii cisho ee ugu horeeyey ee Xukuumaddani qabsatay inay ku soo bandhigto wax qabadkeeda in ilaa hadda wax qabad muuqda oo ay qabatay aanu jirin, waxaanu tilmaamay in heshiisyadii Xukuumaddii hore gashay oo uu sheegay inay badankoodu sharci daro ahaayeen,qaarkoodna khatar ku ahaayeen Somaliland in haba yaraate wax laga bedelay aanay jirin, waxaanu yidhi“Qodobadan laga soo saaray sicir bararka, halka ay ku dambeeyaan weynu eegi doonaa haddii Rabi xukumo, umana maleeynayo inay wax weyn qodobadani ka bedeli doonaan sicir bararka, meelaha ay abaareen haddii ay u arkeen inay sicir bararka sabab u yihiin, horeba waa abaaray, oo Xukuumaddii hore ayaa abaartay, balse waxba wey ka socon waayeen, qodobadan hadda la abaarayna ilama ah inay wax ka soconayaan, runtii waanu jecel nahay in dhibaatada sicir bararka umadda laga dulqaado, laakiin meelihii aasaaska iyo gundhiga u ahaa lama abaarin, go’aamadan iyo qodobadan lagaga soo saaray sicir bararkuna ilama ah in wax lagaga tari karo”.
Isagoo ka hadlaayey Xukuumadda Muuse Biixi ayaa yidhi “Xukuumaddii hore markii ay taladda dalka haysay musuqa iyo sida hantida umadda loo galay waa la arkaayey, wax qarsoona may ahayn, waxa kale oo jiray heshiisyo badan oo aan dalka dani ugu jirin oo Xukuumaddii hore gashay, oo intooda badani sharci daro ahaayeen, sidaas oo ay tahay anagu waanu ka noqon lahayn heshiis walba oo sifo sharci daro ah lagu saxeexay, kuwaas oo waliba heshiisyada qaarkood khatar ku yihiin dalka, hantida umadda ee la lunsadayna gacanta Dawladda ayaanu ku soo celin lahayn,laakiin waxa muuqata in ilaa hadda Xukuumaddani aanay heshiisyadaas wax ka bedelin,
wax baanu qabanaynaa ayey leedahay, wakhtina wey qabsatay, oo boqolka cisho ee ugu horeeyey ee ay qabsatay Xukuumaddani ilaa haddana wax weyn oo is bedel ah oo la taaban karo oo aanu aragnay ma jirto”.