Maxkamad ka laabatay Xukun adag oo ay horey ugu riday nin katirsanaa Al Shabaab (Sawirro)Feb 10.18

Maxkamad kutaala dalka Kenya ayaa ka laabtay Xukun xabsi daa’in ah oo ay horey ugu riday nin Kenyan ah oo katirsanaa  Ururka Al Shabaab, lana qabtay isaga oo hubeesan .

Elgiva Bwire Oliacha, oo 35 jir ah ayaa Maxkamad kutaala dalka Kenya lix sano kahor ku rida xukun xabsi daa’in ah kadib markii lagu helay in uu katirsanaa Al Shabaab kana qeyb qaatay weerar ka dhacay gudaha Kenya.

Ciidamada Kenya ayaa qabtay Elgiva  24-kii October ee sanadkii 2011-kii,  ninkan ayaa xiligii la qabanayay kamid ahaa dagaalyahano Al Shabaab ah oo weerar ku qaaday gaari Bus ah, waxaana la sheegay ninkaasi ku dhaawacmay weerarkaasi Buska lagu qaaday.

Elgiva Bwire Oliacha ayaa racfaan ka qaatay Maxkamada racfaanka dalkaasi, waxaana dib u eegis kiiska ninkan kadib Maxkamada ka laabatay xukunkii xabsi daa’inka ahaa ee horey loogu riday, waxaana hada loogu bedelay 15-sano oo xabsi ah.

Garsoorayaasha Maxkamada Racfaanka ayaa sheegay in ay caddeyn u waayeen in Ninkan uu ku dhaawacmay weerarka Baska waxaana jirkiisa laga waayay dhaawacyada kiis dacwadeedkiisa ka mid ka ah.

Dacwadda loo haysto ayaa hadda loo beddelay in Urur sharci darro ka ah Kenya uu ku lug yeeshay argagixisinimo ka shaqeynaayay sidaasna xukunkii xabsi daa’inka ahaa loogu beddelay 15 Sano.

Elgiva Bwire ayaa qaatay diinta Islaamka sanadkii 2005-tii , waxa uuna ninkan ku biiray kooxda Al Shabaab, ninkan iyo dagaalyahano kale oo Kenyan ah ayaa dib ugu laabtay gudaha Kenya si ay weeraro uga geestaan.