Buuhoodle (Salaanmedia.com)_ Wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta Somaliland Eng. Cabdirashiid Ducaale Qambi ayaa gaadhay magaalada Buuhoodle halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay. Bulshada ayaa ku soo dhawaysay gaadiid iyo gammaan markii uu soo gaadhay duleedka magaalada oo lagu sii sugayay.
Xukumadda Somaliland ayaa ku hawlan fulinta heshiiskii Khaatumo iyo Somaliland iyada oo dhawaan ay hirgaleen qaramaynta ciidamada sida ciidamada la wareegay degmada Boocame ee gobolka Sool waxaana la filaya in ay sii socdaan fulinta heshiisyad.