GO’AANNADA GEESINIMADA LEH EE CALI KHALIIF GALAYDH IYO MADAXDA KHAATUMO WAA DHAMAYSTIRKA SOMALILAND LOO WADA DHAN YAHAY.

GO’AANNADA GEESINIMADA LEH EE CALI KHALIIF GALAYDH IYO MADAXDA KHAATUMO WAA DHAMAYSTIRKA SOMALILAND LOO WADA DHAN YAHAY.

(RASHEED ALI MEIGAG SAMATER).DAAWO Hordhacs:- Waraysi Xasaasi Ah Oo Lala Yeeshay Prof. Cali Khaliif Galaydh Kana Hadlaya Qodobada Ay Ku Heshiiyeen Somaliland Iyo Khaatumo  June 19, 2017 Hargaysa

Waxa hambalyo, dhiirri-gelin iyo bogaadinba mudan madaxda khaatumo ee uu hoggaaminayo Prof.Cali khaliif Galaydh oo dhowaan qaatay go’aan ku qotoma xil-kasnimo iyo aragti fog, kuwasoo sida ka muuqata qodobbada ay soo bandhigeen, faaiido u ah ummadda xilka u dhiibatay ee Khaatumo iyo guud ahaanba Somaliland oo dhan.

Dadka ku abtirsada Khaatumo oo ka mid ah dadyowgii dhaliyay somalilandta maanta la wada hadhsanayo, ayaa ah kuwo Somaliland ummadda ku dhaqan ay wadaagaan dad, dal dhaqan iyo dhiigba. Hase ahaatee muddoba ay kala fogeeysay arrimo siyaasadeed oo aan dan u ahayn labada dhinac midna, inta bandanna ay aad u huriyeen ashkhaas aan ahayn labada dhinac midna, dano gaarana ka lahaa colaaddooda, isla markaana sababtay isku dhac lagu waayo muwaadiniin qaali ah labada dhinacba.

Somaliland caddaalad ah, dhammays-tiran oo loo wada dhan yahay waa mid muwaaddin kasta oo Somaland u dhashay jecel yahay ama ku taamo, waana qodobka gun-dhigga u ah heshiiska taariikhiga ah ah ee ay sida fog uga soo baaraan-degeen Madaxda Khaatumo.

Heshiiskaas oo anigu markaan dersay (intii aan ka akhriyay), u arkay inay yihiin go’aanno Somaliland u wada dan ah, oo aan ku salaysnayn haba- yaraatee sad-bursi loo doonayo dadka ku ab-tirsada Khaatumo, oo weliba  iyadoo xoogag tiro badani rabeen inay dhiciseeyaan, qaar kalena illaa haddaba weli ku foogan yihiin inanu hirgelin – ay Mudane Prof.Cali Khaliif, madaxdii iyo shacabkii uu hoggaaminayayba si geesinimo leh ugu tallaabsadeen kuna goaansadeen wadajir – isla-markaana Magacii ha raagee Madax-weynihii hore ee Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo isnaguna tacab badan geliyay soo af-jaridda nabad waarta oo dhexdeenna ah, iyo in innagoo isku-duuban aynu ka wada badbaadno dabka innagu hareeraysan ee ka holcaya Bariga Afrika.

Xukuumadda cusub eeSomaliland ee  uu hoggaaminayo Mudane Muse Biixi Cabdi, iyo Muwaadin kasta ama guud ahaanba shacabka Somaliland oo dhan, waxa waajib ku ah, in la maamuuso, oo la isu soo dhoweeyo walaalaha isu boholyoobay, isla markaana loo dedaalo dhammaystirka heshiiskaas muddada ku beegan illaa bisha August ee sannadkan 2018ka oo ah waqtiga ha noolaadee Prof. Cali Khaliif Galaydh xilkiisu Khaatumo kaga eg yahay.

   Wa Billahi Tawfiiq,

Rasheed Ali Meigag Samater

Hoggaamiyaha Jaaliyadda Soomalida W. London.