Shirkadda Uu Xalay Ka sheekaynaayay Wasiir Sacad ,Waxay Na Xusuusisay Qiso Ka Mid Ah Qisooyinkii Beena-waas iyo Asma Coday Reer Berbera 11th Feb, 2018

Shirkadda Uu Xalay Ka sheekaynaayay Wasiir Sacad ,Waxay Na Xusuusisay Qiso Ka Mid Ah Qisooyinkii Beena-waas iyo Asma Coday Reer Berbera 11th Feb, 2018238EDB58-0ADD-41B0-8741-8BC64727CE80

Beri ka mid ah beryaha ayaa waxa lagu Murmay Bishu waa 28 iyo waa 30.Intaa ka dib Beenawaas ayaa yidhi anigaa tirinaaya ii-daaya Bisha ,waxaana lagu yidhi sideebaad u tirinaysaa ? .Waxaanu yidhi Daasad Meel Yar Ka Taloosha ayaan Guriga dhiganayaa Quraxdii soo baxdana 1-Dhagax ayaan ku ridayaa ,marka ay Bishu dhamaatana hortiina ayaan ku Tirinayaa ,sidaas awgeed maalinkasta Hal Xabo oo Dhagax ah ayuu ku ridaa.

Shaw mid yar oo la shaqaynaayayna Marka Beenawaas 1-Xabad ku ridaba ,isna 2-Xabo oo Dhagax ah ayuu ku ridaa ,dabadeenka Bishii ayaa dhamaatay ,Beenawaas ayaan Tiriyay Dhagxaantii Daasada ku jirtay ,Waxaaney noqotay 90-Xabo ,30 Ayuu daadiyay 60 kale ayuu qaaday Hortoodaanu ku tiriyay nimankii hawsha u diray ,waxaanu ku yidhi Bishu waa 60-maalmood.

Waxaaney ku yidhaadeen waaryaa Beenawaas Bishu waa 30 iyo 28 ayaa laysku hayee Miyaad Waalantahay ? ,Waxaanu ku yidhi waar waliba sidaas ayaan 2-Sacab Ku Daadiyay ee hadalka joojiya.

Hadaba waxaan leeyahay Sacadow Hore waxaad u tidhi DPW ayaa Somaliland Maalgashigeeda Damaanad-qaaday ,Mar Labaad-na waxaad tidhi Saldhiga Berbera ayaa Maalgashiga Somaliland Damaanad-qaaday .

Imikana waxaad tidhi Somaliland Maalgashigeeda lama aaminayee ,Aniga iyo Baashe Moorgan ayaa Shirkad Maalgashiga Somaliland Damaanad-qaada soo furanay ,malaa waliba waxaad leedahay sidaasaanu badh ku daadinay? .

Marka laysku soo wada duuboo Wasiir Sacadow Hadaladaadani ,waxay Markhaati u furayaan Shacabka Reer Berbera Sheekadii ay sheegeen ee ahayd DPW ,maanaan arage Asma-Coday ayaa Dekedii iyo Khayraadkayagii la wareegtay oo aanu ka Qatanahay.

Calaashaan Moorgan iyo Maafiyo aad ku jirto .

Madaxweyne Muuse-na waxaan leeyahay 7-Sano ee u danbeeyay shicibka Somaliland waxa Daashaday Siilaanyo waxan Ma Oga waaney Samrayeen ,Maantana waxa la leeyahay waxan dhacaaya Muuse Ma Oga.

Laakiin Muuse waxaan leeyahay Maanta Samirkii wuu dhamaaday ee Sida aad Asma-coday ka yeesho ayuunbaa la sugayaa maalmaha Soosocda.

Qalinkii Siyaasi Saleebaan Ibraahim.

Wa Bilaahi Tawfiiq.