Wadahadal dalka Kenya Uga Furmay Dowlada Itoobiya iyo Jabhada ONLF (Daawo Sawirro)

B2DBFBB2-02B8-405F-A41D-DCEFC6E21032Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya waxaa ka furmay wadahadal u dhaxeeya Dowlada Itoobiya iyo Jabhada ONLF oo dagaal kula jirtay Dowlada Itoobiya .

Dowlada Kenya ayaa garwadeyn ka ah wadahadalka u furmay Jabhada ONLF iyo Dowlada Itoobiya, waxaana wadahadalka Dowlada Itoobiya ku matalaya Madaxweynaha Dowlada deegaanka iyo Generaal Gabre halka ONLF shirka ku matalayaan xubno sare oo kamid ah.

Wadahadalkan u furmay Dowlada Itoobiya iyo Jabhada ONLF ayaa diirada lagu saarayaa sidii labada dhinac heshiis u gaari lahaayeen kooxda ONLF-na u joojin laheyd dagaalka sanadaha ah ay waday.

Jabhada ONLF ayaa ka dagaalanta Soomaali Galbeed , waxa ayna kooxdan u dagaalameysaa sidii Soomaali Galbeed uga go’i laheyd dalka Itoobiya una noqon laheyd maamul madax banaan.10379CA6-ECAE-4A18-8F28-A3CA21C975C5