Daawo Guddoomiye Cirro oo ka hadlaaya shirkadda Somaliland Investment, ayaa wuxu yidhi:Feb 12.18

Guddoomiye Cirro oo ka hadlaaya shirkadda Somaliland Investment, ayaa wuxu yidhi:Feb 12.18

Shirkaddaas soo if-baxeeda waxaanu u aragnaa fadeexad musuqmaasuq iyo fool-xumo soo ifbaxday. Waana arrin ka soo horjeeda qawaaniinta iyo sharciga Somaliland.

Waxa kale oo yaable in shirkaddaasi ay hoos timaado wasiirkii hore ee Maaliyadda.

Waxa aanu u aragnaa weel, haan ama dhiil la doonayo in lagu lunsado dhaqaalahii yaraa ee laga ururiyey umadda ay abaarahu saameeyeen, waxa aanu u aragnaa weel tuuganimo oo la doonayo in lagu lunsado hantida umadda.

Ibraahim Gadhle wuxu yidhi.

Tuugu waa qarin jiray
Tulud meesha uu ka xado oo tahan buu ka guuraa
Toddobaadkan se Xaajow qaar tiriig sitaa yimi

Baashe iyo Sacad na Ictiraafkay ku keeni waayeen wasiirnimada iyo Safiirnimada ma shirkad ay lee yihiin bay ku keenayaan.

lasoco Muqaal ku saabsan Doorashada Laguma Dhawaaqi Karo Inta Tabashada La Dhameynaayo ..” Musharax Ciro +[ Muuqaal ]