Somaliland Oo Hoy U Noqonaysa Ka Ganacsiga Maandooriyaha, Burco Oo Laga Beeray Xashiishad Iyo Shan Foosto Oo Khamri Ah Oo Booliisku Qabtay

Burco (Salaanmedia.com)_ Xukun ka soo baxay Maxkamadda Gobolka Togdheer, ayaa Shalay lagu burburiyey Qayb ka mid ah 904 Litir oo Maandooriyaha Khamriga ah, kaasi oo Dhowr maalmood oo kala dambeeyay lagu qabto meelo kala duwan oo Gobolka Togdheer.

khamri

Sidoo kale, Ciidammada Booliiska oo fulinaya Xukunka Maxkamadda ka soo baxay ayaa gubay Xashiishad uu Nin Muwaadin ahi ku beeray laba Guri oo ku yaalla Magaalada Burco, taasi oo inta laga soo guray la doonayey in la iibiyo, balse ay Ciidammada Booliisku qabteen isla-markaana Maxkamadda awoodda u leh hor-geeyeen.
Xeer ilaaliyaha Gobolka Togdheer Jaamac Siciid Ducaale oo ka warramay sida Maandooriyeyaashan lagu soo qabtay ayaa yidhi “Halkan waxay Maxkamaddu ku gubaysaa Khamri dhan 904 Dhalo iyo Kiiloo iyo badh Xashiishad ah, Khamriga oo Gobolka Gudihiisa lagu qabtay Cid looma Qabanin, laakiin maaddaama oo istoodhadii Maxkamadda buuxiyey waxay Maxkamaddu go’aamisay in la burburiyo, waxa kale oo ay go’aamisay in laga reebo Khamri Caddayn ah si loogu xukumo Dadkii lahaa ee la Aqoonsaday marka la qabto, Xashiishaddana in Caddayn ah laga reebo, markaana lagu qaado Xeerka Mukhaadarraadka.”
Xeer ilaaliyaha Gobolka Togdheer wuxuu in Maandooriyaha Xashiishadda loo yaqaanno lagu beeray Guryo ku yaalla Magaalada Burco “Waxa layaab leh Xashiishaddaa Kiilooga iyo badhka ah waxa lagu beeray Guryo Magaalada ah (Burco), laba Guri ayuu ku beeray oo Magaalada ah, qarin mayno ee Magaciisa waxa la yidhaahdaa Cabdi Caydiid Dhidarro.”ayuu yidhi.
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Togdheer oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in burburinta lagu sameeyay Maandooriyaha Khamriga ka sakow, Maxkamaddu xukun Ganaax ah ku ridday laba Gaadhi oo Khamrigaa lagu qabtay, waxaana midkiiba lagu ganaaxay 5% Qiimaha Gaadiidkaasi joogo.
Badhasaabka Gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Waxa Nasiib-darro weyn ah inaynu dul-taaganahay Shan Foosto oo Khamriya iyo laba Kiiloo oo Xashiishad ah oo soo galay Gobolkeena, kaasi oo loogu talo-galay in lagu sadheeyo Mushtamaceena, haddii arrintu sidan ku sii socoto waxaynu arki doonaa Booyado Khamri ah, waxana waxa loogu talo-galay in lagu baa’biiyo oo Akhlaaqda lagaga dilo mushtamaceena.”
Badhasaabku wuxuu sheegay inay Maamul ahaan dagaal adag ka gelayaan sidii Gobolka Togdheer iyo guud ahaan Somaliland looga joojin lahaa Maandooriyaha Khamriga ee sida Daadka ugu soo qulqulaya ama loo soo gelinayo.
Maandooriyaha Khamriga ee la burburiyey, ayaa ku soo beegmaya Xilli Bishii hore Magaalada Wajaale lagu burburiyey Khamri u dhigma Afar Foosto iyo Badh, kaasi oo lagu qabtay 25 Qof oo Somaliland u soo iib keenay.