Madaxweyne Biixi Oo Cagta Saaray Jidkii Xukuumaddii Hore Ee Dilaalidda Mashaariicda Imaaraadka, Una Muuqda Inuu Raali Ka Yahay Kambaniga Shakiga Weyn Dhaliyey

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Safiirka Somaliland ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Md. Baashe Cawil Cumar oo ka mid ahaa xubnaha ugu awoodda badan qoyska Madaxweynaha ee talada dalka soo joogay xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo waxa uu udub dhexaad u ahaa hawlaha Imaaraadka iyo Somaliland gaar ahaan Mashaariicda in badan shacabku werwerka ka qabeen ee mudada uu dalkaasi masuulkankani joogay lagu dhawaaqay sida shirkadda DP-World, Saldhigga Milatari iyo kuwo kaleba waxa ay muddo badan dhaliyeen shaki iyo walaac bulshadu ka qabto sida ay mashaariicdaasi dano dhaqaale dalka ugu yihiin iyada oo in badan lagu doodo in aanay wali wax dan ah oo dalka uga soo kordhay jirin ayaa waxa haddana muuqata in siyaasadda cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ay ku sii socoto jidkaasi.

cawil-150x150

Inkasta oo dad badani filayeen in Madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi markii uu talada dalka ku guulaystay uu dib u eegi doono mashaariicda fartu ku godan tahay ee uu dabada ka riixo Baashe Cawil ee Imaaraadka laga soo waarido., haddana waxa toddobaadkan si weyn u soo shaac baxday in Madaxweyne Biixi la dhacsan yahay mashaariicdaasi oo aanu waxba kaga duwanayn Madaxweynihii hore iyo gacanyarayaashiisii waxaanay wax waliba kala caddaadeen markii uu Safiir Baashe si ku dhiirrasho leh baraha Bulshada ugu shaaciyey Kambaniga shakiga dhaliyey ee hadal hayntiisu wali taagan tahay taasi oo dadku markii ugu horraysayba u arkeen in Madaxweynuhu raalli ka yahay mashaariicdaasi hadoodilan maadaama aanay marnaba ku dhiirradeen Baashe Cawil iyo Wasiir Sacad in ay kambanigaasi buunbuuniyaan oo ay umadda u sheegaan in ay dawladdu leedahay dano dhaqaalena ku jiraan.
Sidoo kale wax waliba waxa ay sii kala caddaadeen markii shalay Madaxtooyadu ka hadlisay Wasiirrada Wasaaradaha Maaliyadda iyo Maalgashiga kuwaasi oo iyana inkasta oo aanay markii hore waxba kala socon kambanigaasi haddana ay si indho adayga ugu dhawaaqeen in Kambanigaasi dawladdu leedahay oo uu dalka faa’iido u leeyahay.
Si kastaba ha ahaatee wax waliba waxa ay kala caddaan doonaan dhawaan iyo sida xukuumaddu uga dhabayso sheegashada indho sarcaadka ah ee ay ku sheegayso in kambanigaasi yahay mid xukuumadeed oo aanay cidina si gaar ah ugu tasarufayn danta dhaqaale iyo horumar ee dalkuna ku jirto iyada oo taa baddalkeeda dadka arrimaha somaliland la socdaa ay ku doodayaan in kambanigaasi yahay mid la mid ah uun kuwo hore oo dad gaar ahi ku maxaafsadaan oo aanay waxba ka soo gaadhin umadda iyo qaranka