Musuq-Maasuq Dul Hoganaya Sanduuqa Horumarinta Somaliland Ee SDF Iyo Maalaayiin Dollar Oo Lagu Dhacay

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Iyadoo si weyn loo hadal hayo Musuq Maasuq baahsan oo dalka ka dhacay Sanaddadii ugu dambeeyay Xukuumaddii hore ee Siilaanyo oo jihooyin badan illaa hada ay ka soo yeedhayso qaylo dhaan xoogleh oo ku saabsan Qorsheyaal musuq maasuq oo haddana uun la ogaaday oo ay masuuliyiintii Xukuumaddii hore ku kaceen, ayaa waxaa hadda soo ifbaxday dhacdo layaableh oo musuq maasuq oo ka taagan Mashruuc cilmi baadhiseed oo dhinaca wax soosaarka ah oo uu maalgaliyay Sanduuqa Horurinta Somaliland ee SDF, Islamarkaana ay xisaab celinteeda masuuliyiin Sanduuqa horumarinta u xil saarteen ay gacanta ku hayeen.

SDF-150x150

Illo-Wareedyo aanu ka helnay masuuliyiin ka soo shaqeeyay mashrruucan oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa daaha ka rogay in Shaki weyn uu soo ifbaxay kadib markii dhawaan ay masuuliyiinta SDF u qaabilsanaa Mashruuca Abuuriin ee cilmibaadhista dhinaca beeruhu ay sheegeen in mashruucaasi oo la aasaasay 2014-kii uu ku baxay lacag gaadhaysa 2.5 Milyan Dollar,taasi oo fajac iyo amakaag ku riday Masuuliyiinta Xukuumadan Cusub oo ku jahawareersan islamarkaana ay ku adag tahay inay rumaystaan inay lacag intaasi leegi ku baxday dhawr dhisme iyo xayndaab yar oo loo sameeyay goobta Mashruuca Abuuriin oo ku taala meel Galbeed ugu toosan Magaalada Hargeysa,Waxaana si weyn u soo shaaca baxaya hadal hayn xoogleh oo ka dhex aloosan Wasaaradda Beeraha gaar ahaan dadka xog ogaalka u ah Mashruucaasi oo sheegaya inaanay xiitaa marka si sax ah loo qiimeeyo ku bixin lacag Hal milyan gaadhaysaa.Mashruucan ayaa ah mid cilmi baadhiseed oo ay arday wax ku baran jirtay,kuna xeraysnayd,balse aan sinaba sida la sheegay ka muuqanin Lacagta xadigaasi ahi.
Sida warbixintani wargeyska Foore ku soo gaadhay,Waxa Mashruucan Hirgalintiisa gacanta ugu hayay oo ay u wakiilatay SDF laba Masuul oo xafiis ku dhex leh gudaha Wasaaradda Beeraha Somliland, kuwaasi oo kala ah,Ibraahim Cumar oo isagu ah masuulka Xafiiskaasi ugu sareeya islamarkaana gacanta ku hayay nidaamka maaliyadeed iyo maamul ee xafiiskaasi iyo Masuul kale oo qaybta farsamada Xafiiskaasi u qaabilsan oo isna lagu magacaabo Eng Cabdirashiid Cumar Cismaan,kuwaasi oo labadooduba si toos ah ugu lug leh ceebahan iyo inay arintani dhinac iskaga tiiriyaan. Aqoonyahan Maxamed Aadan oo Sanduuqa horumarinta SDF Mudo kooban ka soo shaqeeyay ayaa Wargeyska Foore u sheegay in mashruuca Abuuriin uu u baahan yahay in si deg deg ah baadhis loo galiyo islamarkaana aan laga hadhin xisaab xidhkiisa,Waxa kale oo uu sheegay inuu ka mid yahay dadka la fajacsan arimaha noocan oo kale ah,iyo Xisaabta Xad dhaafka ah ee la sheegay in lagu khasiray Mashruucaasi oo uu ku sheegay haddii ay ugu badato inay ku baxday lacag gaadhaysa 700-Kun Dollar (Todoba boqol oo Dollars),isagoo intaasi ku daray inay nidaamyada noocaasi ah ay yihiin hababka loo musuq maasuqay Sanduuqa SDF,oo sidaasi uun wax la iskaga odhanayo. Masuulkan ayaa Wasiirka Cusub ee Beeraha u soo jeediyay inuu la xisaabtamo Ibraahim Cumar iyo Eng Cabdirashiid oo uu sheegay inay iyagu masuul ka yihiin Mashruucan.
Hadaba Wargeyska Foore oo Shalay la xidhiidhay Masuuliyiinta Sanduuqa SDF ee Mashruucan Abuuriin qaabilsanaa ee magacyadoodu kor ku xusan yihiin ayaa markii hore nagula balamay inay Khadka telefan kaga jawaaabaan arintan balse markii ay gaadhay wakhtigii aanu balanay waxa ay gabi ahaanba xidheen telefoonadooda gacanta,iyagoo illaa xalay aan furin islamarkaana aanu u fahamnay inay arintaasi ka gaabsadeen inay ka hadlaan.