[Deg Deg] :- Xukuumada Somaliland Oo Xabsiga Dhigtay Ganacsadaha Maal Galiyey Tiyaatarka Hargeysa Cumar Ceydiid + [ Sababta]

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Laamaha amaanka Somaliland ayaa waxaa ay maalintii shalay aheyd
xabsiga ay dhigeen ganacsadaha maal galiyey isla markaana dhisay tiyaatarka magaalada Hargeysa Cumar Ceydiid
IMG_3B601D-4FADFC-EB54CF-57B58F-85F26F-997888

Sababta loo xidhay ganacsadaha ayaa. Warbaahinta qaarka mod ah

loogu sheegay in ay tahay muran mudooyinkii ugu danbeeyey ka taagan barking uu tiyaatarku ku yaalanaayo jahada Galbeed oo ay isku haystaan dhisme dhinaca galbeed tiyaarka ka xiga oo kaalin ah .
Muranka goobtaas ka dhashay ayaa waxaa ay sabab u noqotey in ay halkaasi rasaas ka dhacdo isla markaana ay ciidamo soo gaadheen goobta lana wareegeen gabi ahaanba gacan ku haysta dhulkaas banaan ee lagu muransan yahay
Ganacsade Cumar Ceydiid ayaa ilaa hada ku xidhan saldhiga daloodho ee magaalada Hargeysa , mana aha markii koowaad ee la xidho ganacsadahan .