Sooyaalkii Dibloomaasiyada Somaliland Iyo Doorerkii Labadii Ducaale (Amb.”X.C.D”.Cawil Iyo “ C.M.D.” Ina-dhoola-yare).Qalinkii:C.S.F(Jeesto).

Sooyaalkii  Dibloomaasiyada  Somaliland  Iyo  Doorerkii  Labadii  Ducaale  (Amb.”X.C.D”.Cawil  Iyo “ C.M.D.”  Ina-dhoola-yare).Qalinkii:C.S.F(Jeesto).jeesto-70x70

Jamhuuriyada  Somaliland  waxay  soo  martey  wakhti  muhiima  marka  laga  hadlayo  dhinaca  dibloomaasiyada  iyo  sida  ay  dunida  ula  jaan-qaadey,  Hadaba  qormadani  waxay  fiiro  gaar  ah  siinaysaa  laba  siyaasi  oo  ahaa  laba  (Ducaale)  isla  markaana  dibloomaasiyiin  waaweyn  ahaa  waxaaney  kala  ahaayeen  ( C/laahi  Maxamed  Ducaale,  Ina-Dhoola-Yare)  Wasiirkii  Wasaarada  Arimaha  Dibbada  Xukuumadii  Riyaale  Iyo  ( Amb.  Xuseen  Cabdi  Ducaale ,  Cawil)  Wasiirkii  Wasaarada  Maaliyada  isla  xukuumadaasi,  Labadan  masuul  ayaa  ahaa  khabiiro  dunida  wax  badan  ka  fahansan  mudadii  xukuumadoodii  waxay  bilaabeen  dar-dar  galin  Amuuraha  xidhiidhka  caalamiga  ah , Yagoo  naftooda  u  hurey  albaab  kastana  u  garaacey  sidey  qadiyada  Somaliland  loo  dhagaysan  lahaa  ama  loo  ixtiraami  lahaa.

Waxay  dadaal  iyo  juhdi  galiyeen  iney  dhamaan  wadamada  Geeska-afrika  ku  gaalaa  bixiyaan  safaro  yadoo  ujeedkoodu  yahay  iney  la  soo  doodaan  la  gar-naqsadaan, Sababaha  u  fududeeyay  waxaasoo  dadaala  waxa  keenay  Amb.  Xuseen  cabdi  ducaale  (Cawil)  oo  khibrad  buuxda  u  lahaa  dibloomaasiyada  isla  markaana  lahaa  saaxiibo  kala  duwan  oo  caalamiya  kuwaasoo  ay  ka  mid  ahaayeen ,  Madaxweyneyaal,  Wasiiro,  Safiiro,  Iyo  waliba  madax  sar-sare  oo  wadamada  Geeska-afrika  ee  ay  wax  kaga  xidhan  yihiin  Somaliland  Sida
·         Ethopia
·         Kenya
·         Tanzania
·         Uganda
·         Rwanda
·         Gambai.

Kuwaasoo  ay  lahaayeen  xidhiidho  dhaw  iyo  saaxiibtinimo  dibloomaasiyadeed  amaba  wada  shaqayneed  xiliyadii  kacaanka  Waa  (Cawile),  Isagoo  ahaa  Safiirkii  ugu  badnaa  wadamadaa  barriga  afrika.

Hadaba  khubaradan  leh  waayo-aragnimada  dibloomaasiyadeed  ee  muga  leh  ayaa  waxay  dajiyeen  jadwal  ama  istaraatajiyad  ay  ka  leeyihiin  Amuuraha  ictiraaf  raadinta  Somaliland (  Strategic  Plane  Of  Somaliland,s  Diplomatic  Mission), waxaan  ka  xasuustaa  istaraatajiyadihii  ay  dajisteen  si  caalamka  aynu  uga  helo  Ictiraafka  aynu  ka  naadinayno.

·         In  laga  qayb-galo  shirerka  caalamiga  ah  ee  ay  dunidu  isugu  imanayso  haday  tahay  mid  bani-aadantinimo  iyo  mid  dibloomaasiyadeed  ( United  Nations  Conference  And African  Union  Meeting by  yearly).
·         In  laga  faa,iideysto  saaxiibtinimada  ay  la  kala  leeyihiin  wadamada  jaarka  iyo  kuwa  caalamka  madaxdooda  (Take  a part  friednship  relations )
·         In  hadba  loo  safro  meeshii  lay  yidhaa  waxbaa  uga  soo  suura-galaya  amuuraha  qadiyada  jamhuuriyada  Somaliland  meel  kasta  oo  ay  caalamka  ka  tahay(  Diplomate  Traveling  with  any-where  of  Somaliland,s  interes)

Mahad-weyni  haka  gaadho  labadan  masuul  iyo  madaxweynahoodii  mudane  Daahir  Rayaale  Kaahine ,  Waxay  umada  u  horseedeen  amuur  calool-adeyg  u  baahnayd  balse  ay  aqoonteeda  lahaayeen  hadii  eebe  idmo  waxaan  mid  mid  isu  dul  taagi  doonaa  safaradii ay  wadamada  jaarka  iyo  dhamaan  caalamkaba  ugu  baxeen, Hadaba  sida  ka  muuqata  xiligaasi  waxaa  halkaa  kaaga  cad in  mudadaasi  loo  hagar-baxay  sidii  ay  Somaliland  aqoonsi  u  heli  lahayd  amaba  aduunyada  loogu  soo  bandhigi  lahaa marxaladeeda  iyo  sida  ay  wax  uga  dalbanayso  aduun-weynaha  taasoo  ku  wajahan  xaga  ay  yadu  leedahay, Xiligan  ay  ( C/laahi  Maxamed  Ducaale  “Ina-dhoola-yare” )  Iyo  ( Amb.  Xuseen  Cabdi  Ducaale”Cawil”)  ay  kala  ahaayeen  wasiirada  Amuuraha  Dibbada  Iyo  Maaliyada  ayaa  ah  waqti  taariikhdu  aad  u  xusi  doonto  dhinaca  heerka  dibloomaasiyada  ee  Somaliland .

Somaliland  xiligan  ay  masuuliyiinteeda  ay  ka  mid  ahaayeen  labada  Ducaale  ee  aan  hore  dusha  ku  soo  sharxay  waxay  kala  ahaayeen,  Si  weyn  baa  looga  dareemay  iney  Somaliland  guud  ahaan  caalamkoo  dhan  ay  gor-gortan  kula  jirto  xageeda  kaga  maqan  ee  ay  dhigeeda  la  midka  ahi  ay  haystaan, Meelaha  sida  weyn  looga  dareemay  waxa  ka  mid  ah  fagaarayaasha  caalamiga  ah  ee  ay  dunidu  isugu  timaado  kuwaasoo  intooda  badan  lagu  soo  ban-dhigay  doodo  iyo  gudbado  taariikhiya kuna  saabsan  baahida  aqoonsi  ee  Somaliland, Xaqiiqatana  waxay  amintani  sidaa  ku  mudatey  dawlada  Somaliland  waa  qodabadan.
·         Waxay  heshay  khabiiro  meelo  fara-badan  ka  soo  shaqeeyey  (Proffisionalism  of  international  relations)
·         Waxay  heshay  xubno  hawl-kara  ah  kuna  dhaqaaqaya  waxa  u  qorshaysan (Qualified Diplomate)
·         Waxay  heshay  sooyaal-maalo  soomaalida  ku  teel-teel  ah  Sida  (Cawil)  oo  kale( Historian  Individuals)
·         Waxay  heshay  madaxweyne  u  daba-fadhiya  cida  uu  u  igmadey(  Honest  President with  his  treatory  rights)
·         Waxay heshay  waqti  ku  haboon  dhagaysiga  waxa  ay  iib  gaynayso  (Good  time  of  market  policy  percuadance).
Inkastooy  lahaayeen  dadaalka  iyo  dar-darta  labadaa  (Ducaale) ee  hawl-karada  ahi oo  yagu  ku  suntan  sooyaalka  bogiisa.  La soco…………..

Qalinka: C/raxmaan  Sayid  Faarax
Diplomatic  Annalism.
Gabiley/Somaliland.