Baddelka Hadhaaga Xukuumaddii Hore Oo Agaasimayaal U Badan Oo Miiska Saaran Iyo Xukuumadda Muuse Biixi Oo Todobaadkan Dhamaystirmaysa + [ Akhriso]

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Iyadoo Xukuumadda Muuse Biixi ay laba bilood jirsatay ismarkaana
aanay wali dhamaystirmin oo ay kuraasta Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Dawlada qaarkood fadhiyaan masuuliyiin Degreeto madaxweyne ku magacaaban oo ka hadhay Xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo ayaa hadda wararka Madaxtooyada laga helayaa ay sheegayaan in Bedelka Masuuliiyiintaasi ka hadhay Xukuumaddaasi hore la diyaariyay islamarkaana ay u hadhay uun ku dhawaaqistii iyo faafintii.

IMG_9175A9-1F8C3F-60A576-A3214D-BE843F-7CB786

Sida ay Wargeyska Foore u xaqiijiyeen illo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay Aqalka Madaxtooyadda Somaliland,Waxa uu Madaxweyne Muuse Biixi maalmaha soo socda ku dhawaaqayaa liis dhamaystiraya Xukuumaddiisa waxaanu gabi ahaanba dareerinayaa hadhaaga Xukuumaddii hore kaga hadhay Hay’addaha Dawlada gaar ahaan masuuliyiinta Degreetooyinka Madaxweyne xilalka ku haya,kuwaasi oo u badan Agaasimayaal,balse ay ku jiraan Madaxda Hay’addo awood badan oo aan wali la taaban kuwaasi oo ay wali haystaan Agaasimayaal iyo gudoomiyaal uu kaga tagay Madaxweynihii hore Mudane Siilaanyo islamarkaana aanay wali wax ka badel ku samayn Xukuumaddani Cusubi ee uu hogaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Xogahani Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa iftiimiyay in liiska soo socda ee uu Madaxweyne Muuse Biixi Magacaabayo islamarkaana uu wax ka badelka ku samaynayo ay kujiraan oo ay horseed u yihiin Madaxda Hay’adda la dagaalanka Musuq Maasuqa oo ay wali fadhiyaan masuuliyiintii Xukuumaddii hore,Hay’addaasi oo loo badinayo in Hay’ad kale lagu darayo ama la hoos gaynayo,iyo sidoo kale Gudida Xuquuqul insaanka Qaranka Waxa kale oo ka mid ah Gudida Qandaraayada Qaranka iyo Hay’adda Dhawrista Tayadayada (Quality Control), iyo kuwa kale. Waxa ugu badan liiskan diyaarka ah ee aan wali la baahin agaasimayaal door ah oo lagu badelayo Agaasimayaal Xukuumaddii hore ka hadhay kuwaasi oo aan intooda badan sida wararku nagu soo gaadheen aan qancin Madaxweyne Muuse Biixi islamarkaana aan haysan Shuruudihii looga baahnaa,iyadoo wararku ay sheegayaan in lagu badelayo booskooda wajiyaal Cusub oo Madaxweyne Biixi ku soo xushay aqoon iyo Karti,islamarkaana aan lagu salayn hab beeleed.

Magacaabistan Madaxweyne Muuse Biixi soo wado ayaa noqonaysa tii ugu dambaysay ee uu ku dhamaystirayo Xukuumaddiisa,iyadoo uu hore u dhamaystiray Golaha Wasiiradda islamarkaana uu wasiirada Xukuumaddii hore daaqada ka wada saaray marka laga reebo dhawr wasiir oo uu kala hadhay,waxaanu hadda doonayaa inuu dhamaan inta ka hadhay Xukuumaddii hore ee Degreetada ku magacaaban uu ka dareeriyo Xukuumaddiisa waxaana ugu badan Agaasimayaasha Wasaaraddo aad u miisaan culus oo qaarkood gogosha dhigtay islamarkaana isku arka in Xilka loo daayay oo ay sidaasi uga mid noqdeen xukuumadda Biixi.

Source:- Foore