War Deg-deg Ah: Xukuumadda Somaliland Oo Xabsiga Dhigtay Agaasimihii Telefishanka Caalamiga Ah Ee Universal TV

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ -Xukuumada madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxaa ay saaka ay xabsiga dhigtay agaasimihi telefishanka caalamiga ah ee Universal qeybtiisa Somaliland Maxamed Caabi Digaale.

IMG_9FBB64-FEFE4F-6365B6-6F5A29-5B3170-8CB091-150x150

Agaasimaha ayaa hada ku xidhan sida shabakada wararka ee barigaafrika u xaqiijiyeen masuulyiinta telefishankaasi xarunta danbi baadhista Somaliland ee C.I.D-da.
Ilaa hada ma cada sababta loo xidhay masuulkan , kamaney hadal ilaa hada laamaha amaanku sababata loo xidhay agaasimaha telfishanka Universal qeybtiisa Somaliland Maxamed Caabi Digaale.
Dhan kale Af-hayeenka ciidanka booliska Somaliland Gaashaanle sare Faysal Xiis oo ay xidhiidh la samaysay shabakadda wararka ee barigaafrikanws.com ayaa waxa uu sheegay in aanay waxba kala soco xadhiga agaasimihi telefishanka caalamiga ah ee Universal qeybtiisa Somaliland Maxamed Caabi Digaale.