Kulan Dhex-maray Guddoomiyeyaasha Xisbiyadda WADDANI Iyo UCID Oo Lagu Magacaabay Guddi Baadhitaan

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Hoggaamiyeyaasha mucaaradka Somaliland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo Eng Faysal Cali Waraabe ayaa markii u horaysay wada jir u ansixiyay guddi baadhitaan ku samaynaysa hawlaha maayirrada Somaliland oo la tuhunsan yahay in musuqmaasuq badan ku gadaaman yahay. Kulan labada masuul ku yeesheen Hargeysa ayay ku sheegeen in guddidaasi xaqiiqada dawladaha hoose bulshada hor keeni doonto.

Guddidan isku dhafka ah oo ka kooban Waddani iyo UCID waxay baadhistooda ka bilaabi doonan dawladda hoose ee caasimadda waxaanay qabanayaan hawl lagu sheegay xaqiiqo raadin cilmi ku dhisan oo xiddida musuqmaasuqa raadinaysa, islamarkaana waxa ay kala kulmaan bulshada la wadaagi doona marka ay cilmi baadhistooda dhammaystiraan.
“Guddida aanu ansixinay haddii aanu nahay labada guddoomiye waxay samaynayaan baadhis cilmi ku salaysan oo aan ahayn borobagaando, cidna aan duullaan ku ahayn cidna aan ku socon ee samaynaya xaqiiqo dhab ah oo ku saabsan dawladaha hoose ama goleyaasha degaanka ee aynu dooranay iyaga oo ka bilaabaya caasimadda Hargeysa gobollada kalena u gudbi doona, xaqiiqada ay soo bandhigaana shacbiga waanu u soo bandhigi doona waxaanan rajaynaya in ay qayb ka noqon doonto sida shacabku wax u dooranayo mustaqbalka,” Sidaas ayuu yidhi guddoomiyaha Waddani Dr Cirro oo intaasi raaciyay in hawshani tahay mucaaradka oo doorkiisa qaadanaya.
Eng Faysal Cali Waraabe ayaa isna eedeeyay masuuliyiinta loo doortay dawladdaha hoose “Waxaan hambalyaynaya guddidan isku dhafka ah ee labada xisbi ka soo jeeda, hawsha ay u dhaqaaqeena waa hawl loo baahan yahay oo waa dareen qof kasta oo reer Somaliland ahi qabo waddanka guud ahaanba in wax ka qarriban yihiin, hay’addaheena dawliga ah oo dhan iska baaba’een oo qofku wuxuu doono samayn jiray,” Sidaas ayuu yidhi Eng Faysal.
Guddoomiyaha UCID oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi ku daray “Waxaanu bilaabayna in aanu dadka u soo bandhigno xaqiiqada iyo xogta dhabta ah ee sida ay u shaqeeyaan dawladaha hoose ee qayrul masuulnimada ah ee ay hantida u boobeen, sida aanay xilkii loo doortay uga soo bixin,” Waxaanu bulshada u ballanqaaday in la taabsiin doono xaqiiqada ku saabsan dawlaha hoose ee dalka dhammaan.
Dhawaan xoghayihii hore ee dawladda hoose Cali Xasan Cawaale waxa uu daaha ka rogay musuqmaasuq xidida aastay oo ka jira dawladda hoose ee caasimadda. Waxa uu maayarka ku eedeeyay in uu nidaamka ka dhigtay mid isaga u adeegaya. Waxa uu sheegay in ay lacag badan dawladda hoose kaga baxdo kharash la sheegay in ay isticmaasho dawladda hoose qalabkeedu laakiin, qalabkaasi si gaar ah maayarku ugu shaqaysto lacagta ka soo baxdana jeebkiisa ku dhacdo. Waxa kale oo uu sheegay in lacagta bulshadu ugu deeqdo waddooyinka la dhisayo aanay dawladda hoose u xaroon ee maayarka u xarooto hase ahaatee eedahaasi ma jirto wax baadhis ama jawaab ah oo xukumadda Muuse Biixi ka samaysay.