DAAWO: “Guriga Qofka Leh Dibadda Jooga Kiraysnaan Maayo Ee Wuu Xidhnaan Doona” Maayir Soltelco

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ -Maayarka caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco waxa uu markii u horaysay amarro dul dhigay guryaha ay leeyihiin dadka dibadaha ku maqan oo uu sheegay in aanay cashuurta bixin. Waxa uu sheegay in guryahaas la xidhi doono ama dadka laga kireeyay bixin doonan cashuurta ku waajibtay.

Maayarka ayaa hanjabaad u diray dadka cashuurta lagu leeyahay “Dadka guryaha iyo seesaska sharci darro ku dhistay waa in ay inta ka horaysa 15 Maarij ku sharciyaystaan, dadka cashuurta ardiyadda iyo liisanka lagu leeyahay lafteedu waxay mutaysan doonta ganaax,” Sidaas ayuu sheegay Maayar Soltelco.
Maayarku wuxuu markii u horaysay hanjabaad adag u diray dadka ku jira guryaha aanay lahayn ee kirada ah “Waxaan halkan farriin uga diraya dadka kiraysteyaasha ah ee aqalada dadkii lahaa dibadda ku maqan yihiin ku jira, sida aad ugu dirtaan kiradaba ayaad u bixinaysaan ardiyadda. Ma dhacayso aqal cashuurtii ardiyaddana la yidha dibadda ayuu qofkii lahaa ku maqan yahay kiradiina loo dirayo. Waxaanu samayn doona aqalka aan cid ardiyaddii ka bixisa la hayn kiraysnaan maayo ee wuu xidhnaan doona,” Sidaas ayuu yidhi duqa caasimadda Hargeysa.
Maayarku waxa uu intaasi raaciyay “Dadweyne lacagta kiradana waxaad ugu dirta Akown cashuurta ardiyadduna way maqnaanaysa wax is qabanaya maaha. Waxaanu u sheegayna dadka kiraysteyaasha ah in ay iyagu uga masuul yihiin ardiyadda aqalka ee qofka maqan waa in ay sidaas ula socdaan kana gooyaan kirada lacagta ardiyadda oo bixiyaan.”
Maayarku waxa kale oo uu ku dooday in ay xaq u lahaayeen qorshaynta dhul dhanka Galbeed ka xiga Hargeysa oo shalay wasaaradda hawlaha guud joojisay. Waxa uu sheegay in ay wasiirka isla ogaayeen qorshaynta dhulkaasi “ Waxay ahayd in Agaasimuhu la socdo wasiirkiisa,” Sidaas ayuu yidhi duqa Caasimadda oo ka jawaabayay haddalo shalay ka soo baxay agaasimaha wasaaradda hawlaha guud.