TACSI:- Guddoomiye Cirro Oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timi Agaasimahii Maamulka Iyo Lacagta Ee Golaha Wakiilada Somaliland March 12, 2018

TACSI:- Guddoomiye Cirro Oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timi Agaasimahii Maamulka Iyo Lacagta Ee Golaha Wakiilada Somaliland
March 12, 2018

ciro-s
Guddoomiyaha Xisbigaasi Dr. Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo ku hadlaaya magaciisa, ka hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo weli ba guud ahaan taageerayaasha Xisbigaasi ee dalka gudahiisa iyo dibaddiisaba, ayaa waxa uu shacabka Somaliland ka tacsiyadeynayaa geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Alle ha u naxariistee Agaasimahii Maamulka iyo Lacagta ee Golaha Wakiilada Somaliland Marxuum Cabdi Ismaaciil Xawaadle oo maanta 12/03/2018 ku geeriyoodey magaalada Hargeysa.
Guddoomiye Cirro wuxu sida oo kale tacsi taas la mid ah uu u dirayaa ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumkaasi isaga oo ku sifeeyey in uu ahaa shakhsi aad u wanaagsan oo Alle ka cabsi badan sida oo kale na wuxu ku tilmaamay in uu ahaa raggii mudadad dheer sida naf hurnimada leh ugu soo shaqeeyey qaranka.
Dr. Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), wuxu ugu dambeyntii uu Eebe uga baryayaa Marxuumkaas in uu godka u nuuriyo sida oo kale na uu ka waraabiyo naxariistiisii jannatul Fardowsa. Ehelkii, qaraabaddii iyo Axsaabtii uu ka baxayna Alle samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin Aamiin.

INNAA-LILLAAHI WA-INNA ILEYHI RAAJICUUN

Waaxda Warfaafinta Xisbiga WADDANI
Hargeysa, Somaliland