SAADAAL LAGA QORAY GEESKA AFRIKA 30 SANNO EE SOO SOCDA IYO SIDAY NOQONAYSO.

SAADAAL LAGA QORAY GEESKA AFRIKA 30 SANNO EE SOO SOCDA IYO SIDAY NOQONAYSO.
ImageQaybtii 1aad

Xog ururin ay dhinaca Difaaca ka diyaariyeen Khubaro Caalami ahi ayaa waxay ku saadaaliyeen sida xaalka Geeska Afrika u eekaanayo 30-ka Sanno ee soo socda iyagoo dhinacyo doora ka eegaya oo ay ka mid yihiin Deegaanka, Qaab-dhismeedka Bulshooyinka ku dhaqan, Dhaqaalaha, Horumarinta Nolosha Aadamaha, Maamulka Dawliga ah, Xidhiidhka Siyaasada Caalamka iyo Amniga.  Xog ururintan oo ku qoran luqada Ingiriisiga ayaa u dhigan sidan hoose:-

Geeska Afrika oo ka kooban Dalalka Jibuuti, Carateriya, Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa ah Mandaqad ay ka jiraan Amuuro isku lidi ahi, waxaanay u badan tahay inay sidaa sii ahaato ilaa 2045.
Itoobiya waxay u muuqataa Meel xasiloon marka loo eego Mandaqada aan Xasiloonayn ee ay ku dhextaalo, iyadoo Awooda ay ku leedahay Gobolka awgeed door muhiim ah ka ciyaari doonta Geedi socodka horumarka guud ahaan Gobolka. Waloow sidoo kale Itoobiya ay ka hor iman karaan xaalado Dib u dhac ku keeni kara Mudadan dhexdeeda, hase yeeshee Goobta ay dhacdo iyo Xajmigeedu waxay suurtagelinayaan inay markasta sii ahaato Awooda hogaamisa Gobolka, waxaana suurtagal ah inay Saamaynteedu sii korodho Mudadan dhexdeeda. Sidoo kale in horumar laga sameeyo dhinaca Amniga ayaa ku xidhan wadashaqaynta Itoobiya.
Gobolka Geeska Afrika ayaa wakhti xaadirkan ah meelaha ugu horumarka liita Qaarada Afrika, khaasatan, dhinacyada Nidaamka Dawladnimo iyo Horumarka Nolosha Aadamaha. Waxaanay aad ugu badan tahay inuu sidaas ku sii jiri doonto ilaa 2045.
Guud ahaan, in badan oo Shucuubta ku dhaqan Gobolka ka mid ahi waxay Shaki ka qabaan Dawlad Dhexe oo ay yeeshaan, waxayna ka doorbidayaan Dawlad Goboleedyo yaryar oo Dimoqraadiya taasi waxa laga yaaba inay xanibto in lagu dhaqaaqo Horumar laga gaadho dhinacyada Siyaasada iyo Horumarinta Nolosha Aadamaha.
Dalalka qaarkood, khaasatan Itoobiya waa laga yaabaa inay horumar sameeyaan, gaar ahaan haddii ay Koboca dhaqaale ee wakhti xaadirkan sii joogteeyaan mustaqbalka fog.  Hase yeeshee, Itoobiya waxay waajahaysaa Kacdoono iyo Xiisado ay kala kulmayso Kooxo kala duwan oo raba inay Saamayntooda yeeshaan. Kooxaasi kala duwani iyaguun iskama hor iman doonaan laakiin waxay kaloo ka hor iman doonaan Dawlada Dhexe.  Taasi waxay saamayn ku yeelan doontaa suurtagalnimada in Itoobiya horumar samayso mustaqbalka iyo weliba ta guud ahaan ee Gobolka oo dhanba ilaa 2045.
Lasoco Qaybta 2aad oo ku saabsan Deegaanka.
Maxammed Aw Yuusuf Guun