Madaxweynaha Somaliland Oo Galabta Safar Deg Deg Ah Imaaradka Ugu Baxaya Iyo Farmaajo Oo Isna Safar Ugu Baxaya Qatar +[ Arimaha Soo Kordhey ]

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Warar hada soo gaadhay xafiiska war qabadka ee shabakada
Ilaysnews.com ayaa waxaa ay sheegayaan in madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi uu safar deg deg galabta ugu bixi doono dalka Imaraadka Carabta .

29136043_576550686024943_2990634841155829760_n-1

Madaxtooyada Somaliland wali wax war ah kamay soo saarin ujeedka Safarka Madaxweynaha , balse waxaa la sheegayaa in uu salka ku hayo arinta muranka dhalisay ee heshiiska dekada Berbera , kaas oo dhex maray Somaliland , Itoobiya iyo shirkada Imaraadka laga leeyahay ee Dp World .

Sidoo kale Madaxweynaha Somaliya Md Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa isna la filayaa in uu safar ugu baxo isaga iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminaayo dalka Qatar .

Dalalka Qatar iyo Imaraadka oo ay ka dhaxeyso xuruf xun oo siyaasadeed ayaa waxaa ay u muuqataa in ay si toos ah ula kala safteen dalalka Somaliland iyo Somaliya