XUBNO U DHASHAY SOMALILAND KANA TIRSAN BAARLAMAANKA XAMAR OO KU HUNGOOBAY DALAB AY KU DOONAYEEN IN GOLAHOODU DIB U DHIG QADDIYADDA DP WORLD

Muqdisho (Salaanmedia.com)_ Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku gacan saydhay soo jeedin ay soo gudbiyeen shalay qaar ka mid ah xildhibaanada dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ee ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo nuxurkiisu ahaa in baarlamaanku dib u dhigo mooshinka ay shalay ansixiyeen ee ka dhanka ahaa heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee dhex maray Somaliland, DP world iyo Itoobiya

1-47

Xildhibaanadan asal ahaan ka soo jeeda reer Somaliland oo ay weheliyeen xubno kale oo baarlamaankaas ka tirsan oo iyagu u dhashay Soomaaliya, ayaa waxay dalbadeen in dib-u- dhig lagu sameeyo, lagana saaro ajendaha baarlamaanka qaddiyadda DP world, si loo helo war sugan oo ku saabsan arrintan, waxaanay mooshinkan ay ku dalbadeen in laga warsugo dawladda Soomaaliya.

Hase yeeshee, baarlamaanka Soomaaliya ayaan u jeedin saaxiibadooda la mabda’ ah balse u dhashay Somaliland.

Xildhibaanadan oo tiradoodu ahayd 11, ayaa ahaa kuwan hoose ku qoran

Maxamed Cumar Carte Qaalib

Cabdiraxmaan Ibbi
Axmed Maxamud Sheekh(Dhagaweyne)
Maxamed Ibraahi Cabdi (Diyeeshe)
Cali Maxamed Muuse
Aamina Cumar Jaamac
Huda Axmed Cali
Axmed Maxamed Jaamac
Faadumo Ismaaciil Xuseen
Aamina Sheekh Cusmaan’
Faadumo Xasan Cali