Talada Ismaaciil Buubaa Ee Xaalka Maanta Ee Somaliya Iyo Somaliland

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland, kana tirsan Xisbiga Waddani, ayaa ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee soo kala dhex galay Somaliland iyo Somaliya, waxaanu talo u soo jeediyey Somaliland oo uu ugu baaqay inay qaado talaabo kasta oo ay Caalamka ku tusayso inay tahay Dal madax banaan oo isagoo xor ah la midoobay Somaliya, dibna ula soo noqday xoriyadiisi, waxaanu si gaar ah u tilmaamay in Somaliland looga baahan yahay in madax banaanideeda iyo dawladnimadeeda ka dhaadhiciso Siyaasiyiinta, Dawladda iyo Dadweynaha Somaliya, oo ay tusto inay ahaayeen laba dal oo isku biiray, dibna u kala noqday.

thumbs (7)

Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay heshiiskii saddex geesoodka ahaa ugu horeyna wuxuu yidhi “Arimahan imika taagan, ee ah is qabsiga maaha wax wanaagsan, Somaliland kiis cad bay haysata oo Dawladda iyo Dadweynaha Somaliyaba kaga dhaadhicin karto, isku tagii lixdankii dhacay iyo qaanuunkii soo baxay, waxaana loo baahan yahay deganaansha Somaliland iyo Somaliyaba, taasina waxay suurtagal ku noqonaysaa markaynu noqono laba dal oo walaalo ah oo wada shaqeeya, arintaasna khaasatan Somaliland si weyn bay u qaban kartaa, oo Somaliya dhibaatooyin fara badan oo haysta si weyn bay wax uga qaban kartaa, markaas in la isku riix-riixo arimo laga wada hadli karo oo loo sadqeeyo arimo waaweyn ma wanaagsana”.

Mar uu ka hadlaayey Dacwada ay Somaliya gudbisay ayaa yidhi “Heshiiskii Saddex geesoodka ahaa ee lagu saxeexay UAE, iyadoo Raysal-wasaarihii Somaliya joogo, arintuna tahay arin wali Somaliland iyo Somaliya ku kala bixin, anigu waxaan u maleeynayaa arinta sababtay Dacwadu inay taas tahay, arimahaasna sidii loo agaasimay wada hadalada iyo heshiiskaba in loo agaasimo, Somaliland maanta waxay u baahan tahay in si degan oon cadho iyo ficil ku jirin, in arimaheeda u dhamaysato, aniguna waxaan aaminsan nahay in la gaadhay wakhtigii la wada hadli lahaa, oo danaha labada wadanba khuseeya laga heshiin lahaa, wixii carqalad galinaya wada hadaladan waxaan u arkaa in dan weyni aanay ku jirin”.

Siyaasi Buubaa mar uu ka hadlaayey sheekagashada Somaliya ee Dekadda Berbera ayaa yidhi “Arin la isku hayo cid waliba kiiskeeda si bay u sheegaysaa, laakiin marka waaqaca loo soo dego ee la yidhaahdo maxay dantu ku jirtaa markaas ayuu wada hadalku yimaada, qoladaasi waxaas ayey sameeysay, waxa ka haboon dantaydu maxay ku jirtaa, danta Somaliland waxay ku jirta in si deg deg ah Somaliya loola fadhiisto, in arinta Madax banaanida inta meel la isla dhigayo in arimaha la isku hayo la isla ogalaado, oo laga wada heshiiyo, wali weynu iska laad-laadnaa, arimo badana wey iskaga keen xidhan yihiin, si degan oo haboon ayaa loo baahan yahay in labada dhinacba in lagu soo celiyo”.

Mar uu ka hadlaayey markii ay Somaliland iyo Somaliya isku biireen ayaa wuxuu yidhi “1960 kolkii aynu isku darsanay, 1961 ayaa isku darka labada dalna la saxeexay, labadii dal markay caalamka noqoto waxay yeesheen madax banaani isku mid ah, waxaanu doonaynaa in lagu soo celiyo labadii dhinac ee isku yimid wixii ay kala lahaayeen inay kala yeeshaan, oo Somaliland; Somaliland noqoto, Somaliyana ay Somaliya noqoto, laakiin Caalamku wuxuu wali aaminsan yihiin in wixii la wada leeyahay, oo aan wali lagu kala bixin, intaynu Somaliya kala baxayno waa in si degan oo wanaagsan loo wada hadlo”.

Siyaasi Buubaa mar uu ka hadlaayey kala duwanaasha Somaliland iyo Somaliya “Somaliland maanta masuuliyad weyn baa saaran,iyada ayaa maanta degan, iyada ayaa doonaysa inay Caalamka wax la saxeexato, iyada ayaa doonaysa inay wadankii horumariso,Xamar wali arimahaas wakhti baa uga hadhay, mar haddii danaheenii ay ku jiraan inaynu Wadankii dhisno, waxay aniga ila tahay Somaliland inay suuragal u tahay in Siyaasiyiinta iyo Dadweynaha iyo Dawladda Somaliya inay ka dhaadhiciso, in sidii lixdankii lahaa dawlad waliba iskeed inay isku taagto, wixii la wada lahaana in la kala yeesho, Caalamkana lala socodsiiyo, sababtoo ah Caalamku waxa uu u haystaa in labadan wadan mid inuu yahay, magaalo madaxda Xamar tahay, Dawladda Xamar ka jirtaa inay Dawlad rasmiya tahay, waxyabahaas baynu u baahan nahay inaynu jafno, wax ka qabano, Caalamkana nidhaahno sidaas ayaanu lixdankii yeelnay, maantana dantu waxay ku jirtaa in sidii lixdankii ku noqono, oo aanu kala tagno Somaliya, qoladan Somaliya inaga ayaa wax ku darsanay oo aqbalnay inay Xamar noqoto Caasimaddii, waxyaabo badan oo la inagu duudsiyey ayeynaan ka joogsan inagoo markaas is leh shanta Somalida oo dhan ha la isku keeno, ee adkaysta, arintii Somali la isku keenayey ma taalo, dadka Somalida ee Itoobiya jooga Itoobiya ayey ka mid yihiin, dadka Somalida ee Kenya jooga Kenya ayey ka mid yihiin, Jabuutina sideeda ayey u taagan tahay, Somaliland waxa loo baahan yahay inay halkeeda taagnaato, arintaasina waxay u baahan tahay dhabar adayg, ka shaqayn, khaasatan dhinaca Somaliland, ee maanta wax ka maqan yihiin ee doonaya inay waxa ka maqan la soo noqdaan, Somaliland waa in aanay ku dhaqaaqin waxyaabo arimaheeda sii fogayn kara, arintaasina inaga ayey ina haysata, Caalamka sidaynu u tusnay Doorashooyinkeenii, Dawladnimadeena iyo Maamulkeena u hananay, waa in dhinaca Diblamaasiyadana waa inaynu caalamka qadiyadeena kaga dhaadhicinaa”