Shirkada Telesom Oo Eedeymo U Jeedisay Xukuumadihii Kala Danbeeyey Ee Kulmiye , Sheegtana In Cunaqabateen Lagu Hayo + [ Muuqaal ]

Hargausa (Salaanmedia.com)_ Maxamed Yuusuf Cali Alloore oo ka mid ah madaxda shirkadda TELESOM oo
warbaahinta Hargeysa kula hadlay ayaa sheegay in Xukuumaddihii kala danbeeyay ee Kulmiye waa Xukuumaddii Siilanyo iyo tan maanta ee madaxweyne Biixi ay curyaamiyeen ganacsigooda.

Dhibaatooyinka uu sheegay waxa ugu waa weyn in Xadhiga Feber Obtic ee Internet-ka xanbaara oo ay Badda soo gaadhsiiyeen loo diiday in Berri ay keenaan kaas oo Kooto loogu xidhay sida sheegeen Shirkadda SOM CABLE.

Waxa kale oo uu sheegay in Laydhka (korontada) shirkaddaasina la cunaqabateeyay oo loo diiday in ay fidiyaan iyadoo Kooto loogu xidhay shirkadda SOM Power.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan