Deg Deg ]:- Gudoomiye Ciro Oo Ganafka Ku Dhuftey Dalab Uu Maanta Madaxweyne Muuse Biixi Kaga Codsadey Inuu U Raaco Safarka Dalka Imaraadka + [ Akhriso ]

Hargausa (Salaanmedia.com)_ Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu maanta
xafiiskiisa kulan kula yeesha gudoomiyayaasha xisbiyada mucaaridka iyo shir gudoonka golayaasha guurtida iyo wakiilada

IMG_D6734F-B9BF07-F56E46-42F6FB-BB2B57-D290E4

Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu kulankaas laba gudoomiye xisbi mucaarid uu kaga codsadey in ay u raacaan dalka Imaraadka carabta oo uu galabta safar deg deg ah ugu baxay .

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Ciro ayaa ilo xog ogaal ah oo soo gaadhay warbaahinta. Mid ka mid ahi

u sheegen in uu ganafka ku dhuftey codsigaas isla markaana uu sheegay in aanu isagu u raaci doonin safarka uu ku tagaayo dalka Imaaradka carabta .

Balse waxaa codsigaas ka aqbalay gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID FaysalCali Waraabe kaas oo ka mid ahaa wafigii galabta ka dhoofay Madaarka Hargeysa ee uu madaxweynaha Somaliland hogaaminaayey