Wasiirada Arimaha Dibadda Ee Itoobiya Djibouti Iyo Soomaaliya Oo Kulamo Yeeshay Iyo Dareenka Ku Xeeran

Kihali (Salaanmedia.com /W.Wararka)-Waxa magaalada Kigali ee dalka Ruwaanda ku kulmay wasiirada khaarajiga ee wadamada Itoobiya, Djibouti iyo Soomaaliya, wakhti ay taagantahay xiisada diblomaasiyadeed ee ka dhalatay heshiiska dekedda Berbera ee saddex geesoodka ah.

thumbs (11)

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Mr. Axmed Cawad ayaa kulan la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Dr. Workneh Gebeyehu.

Labada wasiir ayaa ku kulmay shir ay kaga wada qayb galeen Magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda Kulanka gaarka ah ee 18,aad ee Golaha Fulinta Ururka Midowga Afrika oo lagaga arrinsanayay Aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika “African Continental Free Trade Area” si loo unko hal suuq oo Afrika ay leedahay.

Ma jiro war faahfaahsan oo ku saabsan kulankaas, laakiin wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay wasiiradu ka wada hadleen xoojinta xidhiidhka diblomaasiyadeed, iskaashiga. Ma jirto wax war ah oo ay Itoobiya ka soo saartay kulankaas uu wasiirkeeda khaarajigu la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Geesta kale, Warbaahinta Itoobiya ayaa ka hadashay kulan isna isla shirkaas ku dhex maray wasiirada arrimaha dibadda ee Itoobiya iyo Djibouti. Warbaahintu waxay ku soo koobtay kulankaas inay kaga wada hadleen danaha labadaas dal.

Laakiin kulamadan ayaa ku soo beegmaya wakhti ay gobalka ka istaadhantahay xiisad diblomaasiyadeed oo ka dhalatay heshiiska saddex geesoodka ah ee dekedda Berbera ee dhex maray Itoobiya, DP world iyo Somaliland, kaas oo ay dawladda Soomaaliya cambaaraysay. Dawladda Djibouti ayaa iyana sheegtay inay la yaabtay islamarkaana aanay jeclaysan wakhtiga lagu beegay heshiiska ay Itoobiya qaybta ka tahay oo la saxeexay laba maalmood ka dib markii ay Djibouti dalkeeda ka saartay DP world.

Si kastaba ha ahaate, kulamadan ayaa u muuqdo kuwo ugu yaraan lagaga hadlay heshiiska saddex geesoodka ah ee dekedda Berbera oo aanay dawladaha gobalka gaar ahaan Soomaaliya iyo Djibouti soo dhawaynin. Lamana garan karo xogaha ay dawladda Somaliland kulamadaas diblomaasiyadeed ka hayso