Shirkadda facebook oo raali gelin ka bixisay qalad ka dhacay oo si weyn looga carooday…March 22.18

Aasaasaaha shirkadda Facebook Mark Zuckerberg ayaa qirtay in bartiisa ay bulshadu ku xiriirto ay khalad samaysay taasina ay horseeday in shirkad samaysa la talin dhanka siyaasadda ah ay hesho xogta shaqsiga ee macaamiisha Facebook.

Shirkadda Cambridge Analytica ayaa lagu eedeeyay inay si aan munaasab ahayn u adeegsatay xogta macaamiishaas iyagoo matalaya siyaasiyiin macaamiil u ah.

War qoraal ah oo uu soo saaray ayuu Zuckerberg ku sheegay in meel ka dhac lagu sameeyay aaminaaddii.

Waraysi ayuu ku sheegay inuu ka xun yahay wuxuuna ballanqaaday inuu tallaabo ka qaadi dooni App-abka aan daacadda ahayn.

Wuxuu intaas ku daray in uu ku faraxsan yahay inuu Congress-ka ka horsheego waxa uu og yahay haddii arrintaasi ay tahay mid sax ah.

Warka qoraalka ah ee uu soo dhigay Facebook wuxuu ku ballan qaaday inuu sii adkayn doono siyaabaha ay App-abku ay ku arruursan karaan xogta macaamiisha Facebook.

“Masuuliyad ayaa naga saaran inaan xogta macaamiisha ilaalino, haddii aanaan sidaa samayn karinna uma qalanno inaan adeeg idin siino” ayuu yiri Zuckerberg.tmp_15894-facebooks-mark-zuckerberg-1430643513