DAAWO: “Qaran Ahaan Iyo Qoys Ahaanba Waanu Ka Raali-gelinaynaa…” Xildhibaan Ay Wasiir Guri-barwaaqo Isku Beel Yahiin Oo Ka Ka Hadlay Caydii Hablaha Beesha Ciidagale

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan (Ilkacase) oo ka mida mudanayaasha golaha guurtida Somaliland kana soo jeeda beesha Makaahiil ee wasiir Guri Barwaaqo ka soo jeedo ayaa qaybo ka mida warbaahinta kula hadlayay xarunnta aqalka baarlamaanka waxaanu wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta ka difaacay eedaymo uga yimid mudanayaal ka tirsan guurtida iyo wakiillada.

Xildhibaankan ayaa si adag u maagay xildhibaan Jaamac Riyo iyo Xildhibaan Nacnac oo beesha Arab ka soo jeeda kuwaas oo dhawaan wasiirka ku dhalliilay weedhaha buuggiisa ku jira xilli baarlamaanka looga yeedhay wasiir Guri Barwaaqo. Mudanahan difaacay wasiirka ayaa sheegay in ay mudaneyaashani dano gaar ah ka lahaayeen maaddaama aanay ahayn beesha cabatay iyo midda laga cawday midnaba sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu ku dheeraaday in sababta saxaafadda loogu soo celceliyay ee loo buunbuuniyay weedhaha buuggan ku jira ee sida kulul uga cadhaysiiyay haweenka gaar ahaana dumarka Ciidagale ay tahay dad dano siyaasadeed ka leh oo uu tilmaamay in qaarkood kursiga ka riixanayaan wasiir Guri Barwaaqo.
Wasiirka warfaafinta ayaa hore u sheegay in uu raalli gelinayo cid kasta oo dhibsatay weedhaha buugga ku jira oo uu sheegay in ujeedadiisu ahayd difaacidda haweenka waxaanu raalli gelinta gaadhsiiyay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir inkasta oo aanay noqon mid arrinta damisa oo ay haweenku ku doodeen in aanay ku qancin.