Siyaasi Cali Qoryoolay Oo Kashifay Siraha Ku Duuggan Shirkadihii Xukuumadda Siilaanyo U Samaysatay Naas-Nuujinta Ee Umadda Lagu Dhacay

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Qoraaga weyn ee siyaasiga ah Cali Dool Axmed (Cali Qoryoolay) oo ka mid ah qoraayada ruug-caddaaga ah ee reer Somaliland inta badana ka faallooda arrimaha siyaasadda iyo bulshada ayaa waxa uu ka hadlay shirkadaha dhaca umadda loo samaystay saddexdii sano ee ugu dambeeyey muddo xileedka xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo kuwaasi oo uu ku tilmaamay kuwo umadda lagu dhacayay oo ay xukuumaddaasi siyaalo kala duwan ugu lug lahayd oo ay u samaysatay.

maxresdefault-1

Siyaasi Cali Dool Axmed (Cali Qoryoolay) oo ka tirsan xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa sheegay in sannadihii 2015, 2016, iyo 2017 ay dalka ka samaysmeen shirkado lagu maxaafsado oo ay masuul ka ahayd xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo oo qaabka loo sameeyey ahaayeen si aan waligeed umadan hore u soo marin isaga oo sheegay in shirkadaha wakhtiyadaasi la samaystay ay wasiirro xukuumaddaasi ka tirsan iyo Madaxtooyadu isla ogaayeen oo inta uu wasuurku suuqa tago uu dadka uu is leeyahay waxbay kula qabsan karaan uu u sheegi jiray mashruuca xukuumadda ka iibsamaya ee ay wax kala qaban karaan sidaasina loo samayn jiray shirkado badan oo hantida umadda lagu dhacay taasi oo qaarkood illaa imika shaqeeyaan.
Siyaasi Cali Dool Axmed (Cali Qoryoolay) oo warbaahinta u warramay oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Qofka dareen naxariiseed ku jirtaa waxa uu damqanayaa marka uu arko dad cabanaya. Waxa aan si guud u arkay oo aan ogaa shirkadihii badnaa ee la sameeyey 2015 illaa 2017-kii waxa ay ahaayeen shirkado badan oo naas nuujin loo samaystay. Wasiirradii xukuumaddii Siilaanyo ayaa suuqa tagi jiray markaasay odhan hebel iyo hebeloow shirkad caynkaasi ah samaysta arrin caynkaasi ah ayaa jirtee, mashruucii iyaga ayaa u sheegaya. Dabadeed marka dadka mashruucii loo sheego ayay nimankaasi shirkadda samaysanayeen markaasi ayay dawladdu mashruucii ay qaban lahaayeen siinaysaa oo lagu naas nuujinayaa. Waxa la odhanayaa tusaale ahaan mashruucii waxa ku baxaya 700 oo kun oo Dollar. Waxa ay wasiirradu odhanayaan waxa aannu mashruuca idiinku soo qoraynaa 700 oo Kun oo Dollar 500 oo Kun annaga ayaa leh 200 oo kunna idinku qaata. Qorshayaasi ayay ku shaqayn jireen nimankii wasiirrada ahaa ee guryaha dhistay ee tadhahay. Sida ay ku taajireen sidaasi ayay ahayd. Tusaale ahaan annagu shirkadda HEMA oo kale waxaanu ku darnay liiska shirkadaha naas-nuujinta loo samaystay ee ay wasiirradii hore lahaayeen”. Ayuu yidhi Siyaasi Cali Dool Axmed (Cali Qoryoolay).
“Tusaale ahaan shirkadda SOMPOWER haddii ay ku jirtay shirkadihii la sameeyey 2016 illaa 2017 waxa ay ku jirtaa shirkadahaasi aan soo sheegay ee naas-nuujinta loo samaystay ee umadda lagu dhacayay. Waa markii logo tala galay in xoolaha umadda la boobo. Tusaale ahaan Wasiirradii Hawlaha Guud, Tamarta iyo Macdanta, la midka ahaa ayaa dadku u tagayeen, markaasay dadka ku odhanayeen waxaa iyo waxaa samaysta. Mashruuciina iyaga ayaa og hay’adda waxbaa la idinka siin, dawladda waxyar baa ugu jirta intaa isku qaata, isku khaam khaam anna intaa iga siiya markaa SOMPOWER kama saari karno in ay yihiin kuwii naas-nuujinta loo samaystay. Ee naas-nuujinta ku naaxay. Ilaa la kala saaro oo inta Odhad (Audit) loo diro la kala saaro oo la idhaa taasi kuma shaqo laha musuq iyo taasaa musuqa oo sidaa look ala caddeeyo. Tusaale ahaan waxyaabaha aan ku caddaynayo in shirkadihii wakhtigaasi la samaystay ay ahaayeen naas-nuujin waxa ka mid ahaa shirkaddii loo samaystay sifaynta batroolka haamaha shidaalka. Shirkaddaasi waxa ay ahayd shirkaddii Cabdicasiis Samaale na lagu eryay markii la eryayay. Shirkaddaasi waxa ay ahayd shirkad la yidhi qalabkiina xukuumadda ayaa soo iibinaysa. Sidaan sheekada ku maqlay qalabkaasi waxa uu joogay 350-kun oo Dollar, markaasaa Wasiirkii hore ee Maaliyadda lagu yidhi Malyuun iyo Shan Boqol oo Kun ku Saxeex. Markaasuu diiday oo lagu eryey Cabdicasiis Samaale. U fiirsi markii qalabkii la soo iibiyey ayaa haddana la yidhi shirkad baa maamulaysa oo bishiiba ku qaadanaysay 180-kun oo dollar ma caddaalad baa waxaasi” ayuu hadalkiisa ku soo koobay Siyaasi Cali Dool Axmed (Cali Qoryoolay).
Ugu dambayn waxa uu badka soo dhigay Sababta uu Siyaasi Cabdicasiis Samaale Xilka Wasaaradda Maaliyadda iskaga Casilay 2015-kii Xukuumaddii hore ee Siilaanyo,Waxaana uu sheegay inuu diiday inuu bixiyo lacag laga dhacayay dalka oo la musuq maasuqayay waxaana uu yidhi isagoo arimahaasi ka hadlaya “Waxaa jirtay Shirkad loo sameeyay Patrolka sifaysiintiisa, oo la odhan jiray “Patrol Quality Control”,oo ah shirkadii Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Samaalena lagu eryay,ee uu xilka iskaga casilay,Shirkadaasi waxay ahayd shirkad la yidhi,Qabalbkiina Dawladda ayaa soo iibinaysa,Qalabkaa Tartan(Bird) la galiyay marka hore,350,000-Kun Oo Dollar (Saddex boqol iyo Konton kun oo dollar) ayuu joogay marka hore,Milyan iyo Shan Boqol oo Dollar ku saxeex ayaa lagu yidhi Cabdicasiis Samaale,Wuu diiday,oo waa la eryay sidaan sheekada ku maqlay, Malyuun iyo Shantii Boqol ayaa lasoo siisay,Qalabkii Dawlada ayaa leh,haddana waxay noqotay Dhinacii Haamaha Shidaalka,Haamahana Waxaa la yidhi Dad gaar ah ayaa lehi lacag iska bixiya,Bishii 180-kun oo Dollar ayay shirkadaasi Haamaha Shidaalka ka qaadanaysay”.,
Hadaba Wargeyska Foore oo khadka telefank kula xidhiidhay siyaasi cali Qoryaale oo aanu wax ka waydiinay sida uu ku ogaaday arintani ayaa waxa uu yidhi “Anigu 25-sanno ayaan mucaarid ahaa, waanan u tudhayaa Qarankayga oo waligay mushahar kamaan qaadan Dawlad Somaliland ka dhalatay, Waligay mashruuc Lacagi iga soo galayso kamaan qaadan, xiitaa Maxkamad ayaan galay oo dawlada ayaa ixidhay, Waxba waa la igu waayay oo Aniga ayaaba la ii Xukumay magdhaw gaadhaya 5000-kun oo dollar, waan cafiyay Lacagtaasi oo waxaan idhi Ma Qarankayga ayaan lacag ka qaadan, Waxaan ogahay inuu dalkan ka dhacay 2015 illaa 2017-kii Musuq Maasuqii ugu cuslaa, Waxaan ogaa in Mashruuc ku baxayay 250-kun oo dollar oo qudha oo qof lagu naasnuujiyay in looga dhigay 550-Kun Dollar, waxaasi ayaa dalka ka dhacay wakhtigaasi”. Ayuu hadalkiisa ku soo koobay.
Dhinaca kale Bulshada Somaliland ayaa ka walaacsan inay Xukuumaddan uu hogaaminayo Muj Muuse Biixi ay iyaduna qaado dariiqii lagu yaqiinay Xukuumaddii hore ee Hantida Umadda lagu dhacay iyo in ay sii socdaan Mashaariicdii Naasnuujinta ahaa ee ashkhaasta gaarka ah lagu naasnuujinayay.