Aqalka Sare Ee Somalia Oo Ciidamada AMISOM La Wareegayso + [ Sababta ]

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka
Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa fadhigii maanta ee Golaha yeesheen ka sheegay in Ciidamada AMISOM oo suga amniga xarunta dhowaan la keenayo.

IMG_C0F5B2-107D71-CE91E9-DF9936-51D04A-2441A2

Cabdi Xaashi ayaa sheegay in arrintan ay muddo soo socotay, isla markaana horay codsi ugu direen AMISOM, kana soo jawaabeen sida uu hadalka u dhigay.
“Aqalka Sare go’aan buu ka gaadhay oo la leeyahay waa in la keenaa AMISOM, qoraal baan u dirnay, waana naga soo aqbaleen, waa sugeynaa”ayuu ydhi Guddoomiye Cabdi Xaashi.
Xarunta Aqalka Sare ayaa ku taal degmada Shibis, gaar ahaan xaruntii Kuleejo Nouve Somalo ee agagaarka KM-0, kuna dhow Xarunta Dhexe ee Nabadsugida Qaranka.
Ammaanka Xarunta Aqalka sare ayaa waxaa gacanta ku haya Ciidamada Nabadsugida Qaranka, waxaana haddii AMISOM la wareegaan ammaanka xaruntan ka mid noqoneysa meelaha ay ammaankooda gacanta ku hayaan, sida Madaxtooyada, Xarunta Golaha Shacabka, Dekeda Muqdisho, iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Arrintan ayaa timid markii golaha sare isku dayay in uu xalliyo khilaafka aqalka shacabka, islamarkaana dhawaan codsadeen in ciidamada AMISOM laga qaado xarunta aqalka hoose. AMISOM ayaa aqalka hoose qabsatay markii khilaafku soo baxay waxaanu guddoomiye Jawaari ku eedeeyay in xukumaddu amarka bixisay, islamarkaana aan la aamini Karin halkaas lagu qabto mooshinka ka dhanka ah.